Aabbe Nolosha Qoyskiisa ka Masruufa Tukaanka Wareega

0
473

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Aabbo Maxamuud Axmed Maxamed waxaa uu hal abuuray fikrad ganacsi oo ka duwan ta muwaadiniinta kale ee ay shaqo wadaagta yihiin.

Haddaba hadii aad taqaaney Tukaan meel uun loogu soo hagaago, isagu waxaa uu sameeyay tukaan magaciisa la yidhaaho ‘Hore-u-socod’ kaas oo ka sameysan Looxaan iyo Kartoon uu labadiisa garab sudhay, islamarkaana uu kusido waxyaabaha yar yar ee lagama maar-maanka u ah nolosha bulshadda.

Aabbo Maxamuud waxaa uu sheegay in Tukaankan Garab-raratadda ah ee uu sameystay uu ka dabbaro noloshiisa, kana masruufo qoyskiisa, sidoo kale uu ka dhigto lacag dhigaal, ah isaga oo kula soo wareega gudaha magaalada,lana soo mara goobaha laga shaaheeyo iyo meelaha ay bulshaddu ku kulanto.

Aabbo Maxamuud Axmed Maxamed ayaa ugu horeyn wargeyska Dawan la wadaagay waxyaabaha uu ku iibiyo tukaankiisan uu la wareego gudaha magaalada Hargeysa waxaanu yidhi “Lows maca Sabiib, Timirtii, Nabaadkii, Buskudadii kala duwana, Muqmadii, Nacnacyadii, Keegii, Xanjadii, ka qadhaabo afka dhaq-dhaqaaji, wahabka iska kici, indhaha shido, nafaqada jidhkaaga wax ha kaa dageene lacagtu way dhammaneysa naftaada u roonow.

Tukaankan waxaa la yidhaaha Horu Socod, waxaan ka bilaabay meel aad u hooseysa, waxaanan ku bilaabay lacag 25-dollar ah, waxaanan ku bilaabay Shiniga cuntadda lagu darsado ee la shiido, waxaan ku xigsiiyay cabitaan, waxaan ku xigsiiyay Lowska iyo Sabiibta iyo Nabaad, intaasi kadib waxaan ku fikiray Tukaankan in aan sameeyo Garab-raratadda ah, Maansha ALLAH waxaan ka masruufa carruurteyda oo sideeda, 4-wiil iyo 4-gabdhood ILLAAHEY mahadi haka gaadho, reerka waan ka biiliyaa, nolosheyda waan ku mareeyaa, waxna waan ka dhigtaa”

Sidoo kale Aabbo Maxamuud waxaa uu bulshaweynta Somaliland yar iyo weynba ugu baaqay inay fadhiga ka kacaan oo ay shaqeystaan waxaanu yidhi “Waxaan bulshada ku boorrinayaa yar iyo weynba inay shaqeystaan oo fikraddo shaqo la yimaadaan qofkastaa, dhaq-dhaqaaqna uu sameeyo oo maskaxda ka shaqeysiiyo, dalka wax shaqo la’aan ah oo taalla ma jirto laakiin waxaa jirta maskaxdii ayaan laga shaqeysiineyn, haddii laga shaqeysiiyo waxbaa la abuuri karaa, dhallinyarradu inay wax abuurtaan oo ay shaxaadka iska daayaan, makhaayaddaha la fadhiyo leyska dhaafo”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray.“Qofkastaa waa masuul waxaanu ku qaangaadha 15-jir marka nin waliba in uu wax la soo baxo ayaa loo baahan yahay, bulshadu haddii ay wax la soo baxaan dalku waa uu iskaabayaa, dal ahaan iyo bulsho ahaanna waynu u dhismeynaa, dal wax ku ool ah oo umaddaha wax la qaybsan kara ayaynu noqoneynaa, shaqadana muddo hadda shan bilood ah ayaan waddey, waxaana shaqadan igu dhaliyay nin carruur leh Carabtu waxay tidha ‘Marka qofka dantu qabsato iyadda keenaysa Ictiraac iyo shaqo abuur’ meheradd kastana saddex mid ayuunbay u aasaasan tahay in qofku naftiisa ka dabbaro, reerkiisa ka masruufo waxna ka dhigto, alaaabta aan iibiya waa ay kala duwan yihiin, lows maca sabiib, lows maca xalwa, sabiibto gaara ayaan iibiya, nabaadka ayaan iibiya, keega ayaan iibiya, muqmada oo shan kuna ayaan iibiya, timirtaan ibiyaa, waxyaabaha yar yar ee bulshaddu u baahan tahay oo dhan ayaan iibiyaa, saacaddaha, muraayaddaha indhaha, beytariyadda mobiladda, caddaradda, cidiya jarta, liifka weelasha biinanka dharka, gacanta, sarreysa ayaa ka kheyr badan ta hooseysa in aanan bini’aadam waxba weydiisan in aan gaadho mustaqbal wanaagsan oo aan ubadkeygana hanti uga dhiso, bakhaarana aan ka furto ayaan ILLAAHEY ka rajeynayaa”

 

Leave a Reply