Agaasime Xergeeye oo ka Hadlay Hannaan ay Wax kaga Qabanaaan Xannuunada Macaanka iyo Dhiigkarka

0
509

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa ka hadlay Xannuunada Macaanka iyo Dhiigkarka oo dalka ku soo badanaya iyo tallabooyin ay wax kaga qabanayaan oo ay hoos ugu dhigayaan

Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay Munasibad lagu xusayay Maalinta Macaanka Adduunka oo ku beegan 14 bisha Nofember oo lagu Qabtay xarunta Wasaarada Horumarinta Caafimaadka waxaanu yidhi “Xannuunada Macaanka iyo Dhiigkarka waxa ay yihiin Xannuuno Wadankeena ku soo badanaya oo si wayn kor ugu soo kacaya oo asiibaya dadkeena waxaanay ku soo dhawaanayaan Xannuunadii fidayay ee aanu la tacaalno,waxa ay Qaadaysaa Wasaarada Caafimaadka Somaliland Tallaabooyin la gaga hortegayo Xannuuunadaa Macaanka iyo Dhiigkarka oo dadka lagaga Wacyigalinayo loona sheegayo in ay ogaadaan Xaaladooda Caafimad hadday tahay xaga Macaanka iyo Dhiigkarka waxa kale oo Wasaarada Horumarinta Caafimaadka aanu Samaynaynaa in aanu kor u qaadno qaybtii la Dagaalamaysay Xannuunada aan fidin waxaana la doonayaa in Hay,adaha Dawladdu qayb ka noqdaan sidii looga hor tegi lahaa in Xanuunadaasi aanay kor u kicin ee hoos logu dhigi lahaa,”.

Dr. Maxamed Daahir Khayre oo ka mid Saraakiisha Wasaarada Horumarinta Caafimaadka ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dadku iska baadhaan Xannuunada Macaanka iyo Dhiigkarka.waxaanu yidhi “Barnaamijkan lagu eegayo Xannuunka Macaanka iyo Dhiigkarka waxa uu ka soconayaa dalka oo dhan waa bilaash waa in dadku ka faa,iidaystaan, waana in dadku ogaadaan Xaaladooda caafimaad in badan oo aan isku ogayn Xannuunka Macaanka iyo Dhiigkarka ayaa jirta waa lagama maarmaan in Dawooyinka ku habboon Xannuunadaas ay dadku qaataan,”.

Dhinaca kale Wasaarada Horumarinta Caafimaadka ayaa waxa ay ka samaysay Munaasibada Xuska Maalinta Macaanka Adduunka Gobolada dalka Baadhitaano bilaasha oo dadka lagaga baadhayo Xannuunada Macaanka iyo Dhiigkarka.

 

Leave a Reply