Ayax Badan oo Baabiiyay Dhul Daaqsimeedka Degmadda Dhoqoshay

0
1174

By: Khadar Cabdi Muuse

Dhoqoshay (Dawan): Degaamo ka tirsan degmadda Dhoqoshay ee gobolka Togdheer ayaa lagu soo waramayaa in uu ku habsaday Ayax fara badan oo waxyeelo soo gaadhsiiyay Daaqa iyo dalagyadaba.

Dhoqoshay ayaa qiyaastii 150 KM oo dhinaca Woqooyi ah kaga beegan magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, taasoo caan ku ah dhul daaqsimeed ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato ah.

Waxaana la sheegay in Ayaxaasi uu ka dhashay Koron-kor ama Ugaxaan uu horaantii sanadkan kaga tegay, isla markaana uu xaalufiyay nabaadkii, daaqii iyo dhirtiiba.

Guddoomiyaha degmadda Dhoqoshay Maxamed Jaamac Cali, ayaa tilmaamay in Ayaxaasi uu dhibaato aad u weyn ku hayo degaanka iyo dadkaba, isagoo xusay in xataa Berkadihii biyuhu ku jireen uu ku daatay, kadib-na uu ku dhintay oo wasakheeyay biyihii oo ay urayaan oo aan la cabi karin.

Dhibaatadda ugu weyn ee uu keenay ayuu guddoomiyuhu sheegay in tahay xaalufinta uu degaanka ku keenay. Wuxuu intaas raaciyay in ay baaq u direen wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga iyo hay’adaha kale ee ku shaqadda leh.

“Wakhti imika laga joogo saddex ilaa afar bilood, wakhtiyadii roobabkii Dayrtu ay hooreen dalka waxaa soo galay Ayax fara badan. Kaasoo dhinaca xeebaha iyo Badda ka yimid, dalkoo dhana wada maray, min Hawd, bari ilaa Woqooyi.

Meelaha qaarna wuu fadhiistay, oo wuu ku dhalay, oo Koron-kortii ayuu dhigay.  Meelaha qaarna waa laga duuliyay. Meelihii uu fadhiistay ayay anaga degmadayadu ka mid ahayd, Koron-kor ayaanu ku aasay.

Muddo laba bilood kadib ahna waxaa dilaacday Koron-kortii, oo aan laga sheekayn karin. Iyadoo  dhul fara badan oo goboladda iyo degmooyinka dalka ah lagu sheegayo Ayaxan. Hada-na anagu waxaanu nahay meelaha ugu badan”ayuu yidhi guddoomiyaha Dhoqoshay oo shalay u waramay BBC.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Imika dhulkii oo dhan ayay  haysataa Koron-kortaasi, dooga iyo Dhirtana cunaysa, meesha ay habeen u hoyatana aan waxba kaga tegaynin oo qalajinaysa, oo wax nabaad ah aan kaga tegaynin. Dhibaato aad u daran ayaanu Ayaxu ku hayaa degaamadan”.

Guddoomiyaha oo saamaynta ka dhalatay Ayaxaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxaa ka dhalanaya xaaluf, wax aka dhalatay meelaha biyuhu ku jiraan oo uu Ayaxu ku ururay. Ceelasha iyo Berkadaha xiliyadda ay ku soo beeganto, ay ku daadanayso oo biyaha laftoodii ay urayaan, oo biyihii ay dhibaato soo gaadhay.

Laakiin, waxa ugu weyni waxa weeye xaaluf iyo Daaqii oo uu Ayaxu laastay,  iyo nabaadkii oo dhulkii ka guuray, oo meesha uu fadhiisto wax allaale wax uu kaga tegayaa aanay jirin”.

Geesta kale guddoomiyaha Dhoqoshay waxa uu sheegay  in Ayaxni uu saamayn ku yeeshay magaaladda iyo meheradaha ganacsiga, guryaha iyo dugsiyadda waxbarashadda oo uu dhibaato ku hayo.

“Magaaladda lafteedda saamayn ayuu ku keenay Ayaxni oo ah mid aad u fara badan, oo marka dadku ay guryaha ka galaan xataa dhib badan ayuu ku hayaa, oo Xajiin leh. Markii  makhaayadihii uu soo galay, oo meel is-taago ma jirto,  weelkii wax lagu cunayay wuu galay, dugsiyadii waxbarashadda ayuu ardaydii fasaladuu ugu galay, meel laga istaago ma jirto ilaa inta uu dhaafayo”ayuu yidhi guddoomiyaha Dhoqoshay.

Maxamed Jaamac Cali, waxa uu tilmaamay in Ayaxni aanay dadka magaaladu haysan wax ay isaga difaacaan. Waxaanu yidhi, “Dadku wax ay isaga celiyaan ma haystaan. Waxyaabo aan waxba ka taraynin maahee, sida daawooyinka cayayaanka in ay ku buufiyaan, in ay Iskoobeyaal oo kale ku xaadhaan, oo ay guryaha iyo meheradaha ka celiyaan. Waa loo taag waayay, oo wax walba wuu soo jiidhay”.

Dhinaca kale guddoomiyaha degmadda Dhoqoshay waxa uu ka hadlay dhibaatadda ka dhalan karta haddii uu sii joogo Ayaxni.

“Waxaa ka dhalan karta in uu gebi ahaanba dhameeyo baadka ama daaqa, oo xaaluf iyo abaar ay dhacdo, oo xoolaha iyo dadkaba ay dhibaato soo gaadho. Waayo? Xooluhu-na dhirta ayay ku nool yihiin, dadku-na xoolaha ayuu ku nool yahay.

Markaa dhibaatadda ugu weyn ee la filayaa waa xaalufinta. Xaalufintu-na dadka iyo duunyada-ba way saamaynsaa” ayuu yidhi Maxamed Jaamac Cali.

Ugu danbayn waxa uu sheegay in ay baaq u direen xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga iyo hay’adaha kale ee dawladda ee ku shaqadda leh arrintan.

Hase yeeshee iyagu ka maamul ahaan aanay waxba ka qaban karin, isla markaana cid kastoo gacan ka siin karta ay baaq u direen.

“Anagu ka maamul ahaan wixii awoodayda ah ee aan qaban karaynay waanu qabanay. Haddii aan wax qaban karayna-na cid wax umaanaan soo sheegneen, oo waxaan qaban karno waanu qaban lahayn.

Laakiin, wax qabasho waa loo baahan yahay. Waxaana looga baahan yahay cid kastoo gacan ka gaysan karta.

Baaq baanu dirnay, wasaarradaha dhirta iyo daaqa, xanaanadda xoolaha, wasaaradda degaanka iyo reer miyiga intaba waanu gaadhsiinay baaqa. Wixii awoodoodda ahna waan ka sugaynaa”ayuu yidhi guddoomiyaha degmadda Dhoqoshay.

 

Leave a Reply