Golaha Guurtidda oo Ansixiyey Guddi Ay u Saareen Muddo Kordhinta Aqalka Wakiilladda

0
381

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay guddi u saaray arrinta muddo kordhinta golaha wakiiladda Somaliland.

Fadhiga shalay oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan  ayaa gudoomiyuhu waxa uu u saaray guddi ka kooban 29 Xubnood, oo kala ah 25 xildhibaan iyo shir-gudoonka oo uu weheliyo xughayaha guud ee golahaasi.

Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland Cabdi Naasir Aadan Beegsi, ayaa golaha faahfaahin ka siiyay warqada muddo kordhinta ah ee ka timi madaxtooyada Somaliland waxaanu sheegay in madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi oo tix raacaya qodobka 42  ee dastuurka Somalialnd islamarkaana uu qodabaynayo qoraalka gudida Doorashooyinka Qaranka oo sheegay in aanay doorshada golaha Wakiiladu ku qabsoomeyn xiligii loo cayimay sidaa darteed uu golaha guurtida ka codsanayo in muddo kordhin loo sameeyo

Intaasi kadib waxa golohu cod u qaaday guddida loo saaray in ay soo naaqshiaan warqada muddo kordhinta waxaana golaha fadhiyay 55 xildhibaan taasoo ay ogolaadeen 45 xildhibaan halka ay ka diideen 7 xildhibaan hal xildhibaana uu ka aamusay , gudoomiyuhuna aanu codeyn sidaas ayaana lagu meel mariyay guddidaasi.

Guddidan ay golaha guurtidu u sareen ka soo tallo bixinta muddo kordhin loo sameeyo golaha wakillada Somaliland, ka dib markii ay dib u dhacday doorashadii lagu soo dooran lahaa Xildhibaanno cusub, waxaana la siiyey muddo ay arrintaa ku soo eegaan, kuna soo gudbiyaan Taladooda.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida mudane Siciid Jaamac Cali ayaa xildhibaanada hortooda ka xaadiriyay liiska 25-ka xubnood ee guddidaas  waxaaney kala yihiin

1 Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yasir

2 Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud (Jirde)

3 Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho)

4 Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac

5 Xildhibaan Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac

6 Xildhibaan Maxamed Maxamuud Diiriye

7 Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Aareeye

8 Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan

9 Xildhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan Maxamed

10 Xildhibaan Jirde Siciid Maxamed

11 Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed

12 Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi

13 Xildhibaan Cali Maxamed Xaaji Huruse

14 Xildhibaan Axmed Yuusuf Sheekh Axmed

15 Xildhibaan Cawil Cabdillaahi Caydiid

16 Xildhibaan       Cilmi Cabdillaahi Xasan

17 Xildhibaan Mabduux Cismaan Sheekh Axmed

18 Xildhibaan Axmed Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe)

19 Xildhibaan Saleebaan Garas Seed

20 Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan

21 Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar Axmed

22 Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale

23 Xildhibaan Maxamed Nuur Sugaal

24 Xildhibaan Maxamed Yuusuf Cawaale

25 Xildhibaan Cabdilqaadir Aw Xuseen Mire

 

Leave a Reply