Somaliland oo Laga Xusay Maalinta Xasuusta Dadka ku Waxyeeloobay Shilalka Waddooyinka

0
412

Hargeysa (Dawan)- Maalinta Caalamiga ah ee xasuusta dadka kuwaxyeeloobay shilalka waddooyinka oo sannad walba la qabto taariikhdu marka ay tahay 17 November, ayaa si weyn looga xusay magaalooyinka waaweyn ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xuskan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland maanta/shalay, waxa lagu qabtay magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa, Burco, Boorama, Laascaanood iyo Berbera, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay shilalka kala duwan ee ka dhacay dalka Somaliland iyo khasaaraha ka dhashayba.

Xuska maalinta Caalamiga ah ee xasuusta dadka ku waxyeeloobay shilalka waddooyinka ee lagu qabtay Caasimadda Hargeysa waxa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Agaasimeyaal Guud oo ka socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxbannaan ee dowliga ah, ardayda wax ka barata dugsiyada waxbarasho ee Caasimadda Hargeysa, shirkadaha dhinaca gaadiidka ee ka hawlgala Somaliland iyo marti-sharaf kale.

Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mr. Muuse Yuusuf Ibraahim, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Mr. Ibraahim Samo-doon iyo Agaasimaha Ururka IPPLS Mr. Cabdifataax Cabdillaahi Aw Cabdi oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ka xog-waramay dhibaatooyinka ay shilalku u gaystaan dadweynaha iyo hantida bulshada, iyagoo ku baaqay in laga wada digtoonaado shilalka gaadiidka ee ka dhaca waddooyinka dalka, waxayna u duceeyeen dadka kala duwan ee waxyeeladu ka soo gaadhay shilalka waddooyinka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa soo bandhigay ujeedooyinka laga leeyahay xuska maalinta caalamiga ah ee xasuuska dadka ku waxyeelay shilalka waddooyinka, waxaannu yidhi; “Ujeedada aynu isugu nimid waxa weeyaan sidii loo yarayn lahaa shilalka, ujeedadaas oo ay Wasaaraddu masuul uga tahay Qaranka Somaliland, Wasaaradaha kalena ay ku gacan-siiyaan, markaas taas ayeynu isugu nimid. Waxa aynu u baahannahay in Wasaaradaha qarankeena uga masuulka ah ee dhinac uun ka soo gala bad-qabka jidadka (road safety) inay iskaashadaan, iyadoo aannu doonayno in sannadka 2020 (haddii Ilaahay yidhaahdo) aannu soo bandhigno oo haddaba diyaar iska ah waa geerashyada lagu baadho gaadiidka, waxaynu u baahannahay in markaasba sannadka 2020-ka (Insha Allaah) in qof walba oo reer Somaliland ah oo gaadhi wata laga rabo inuu gaadhigiisa hal mar mariyo qalabka hubinta tayada gaadiidka.”

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Sahal Maxamed Jaamac oo kulankaas xuska ahaa soo gunnaanaday, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan diyaariyeen siyaasado iyo qorshayaal wax lagaga qabanayo shilalka gaadiidka kala duwan ee ka dhaca waddooyinka dalka Somaliland.

“Runtii waxa muuqata in aynu marayno in aynu ka hadalno sidii aynu u yarayn lahayn waxa uu shilku keeno, taasina waa meel wanaagsan. Waxa loo baahan in qofkasta oo innaga mid ah inuu ku wacyigashan yahay in gaadhigani iyo masuuliyadda qofka qaadaya uu yahay qof hanan kara in aynu baraarugsannaano oo kii aan hanan karin aynu iska qabanno, dadkana u sheegno,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

 

Leave a Reply