Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Si Adag Ula Hadlay Bulshadda Reer Awdal

0
632

“In jabhado laga sameeyo Awdal wax aan idinka aqbalayno ma aha nabadgeliyada-na  marti la idiinkama aha xukuumada ayaana ka masuul ah”… C/raxmaan Saylici

 

Qore Khadar Cabdi Muuse

 

Boorama (Dawan):  Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in jabhado iyo xaalad nabadgeliyo darro laga abuuro gobolka Awdal cidii falkaas ku kacdana tallaabo laga qaadayo.

Waxaanu sheegay in aan cidnaba looga marti ahayn nabadgeliyadda, isla markaana ay xukuumadu masuul ka tahay ilaalinta amaanka dalkoo dhan.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay kulan ay magaaladda Boorama kula yeesheen madax dhaqameed, waxgaradka iyo aqoonka Awdal wefti uu hogaaminayo oo maalmahanba ku sugan gobolkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu si dareen leh uga hadlay jabhadaha beryhan danbe lagaga dhawaaqayay gobolka Awdal in ay tahay arrin aan la aqbali karin.

Waxaanu yidhi, “Taasi waxay noqotay wax aan ka fadhiyi kari waynay. Mid aan idinka aqbalayno-na ma aha. Nabadgeliyada-na la idiinkama marti aha, xukuumada ayaana ka masuul ah. marti idiinkama nihin taas, laakiin, tallo ayaan isku leenahay”.

“Sidee ayaan wax u wanaajinaa ayaan isku leenahay. Waa inta wanaaga ka talinaysa. Laakiinse, xukuumadda ayaa ka masuul ah nabadgeliyadda.

Saddex boqol oo kun oo Boorama ahna ka dhegaysan mayno in lagu goolaaftamo, oo nabadgeliyo darro laga abuuro, oo dadka inala nool haday tahay iyo haddii ay hay’adaha tahayba in ay ka dareeraan Boorama aqbali mayno. Sugina mayno.

Waxbaynu wada leenahay, isku dan baynu nahay. Somaliland iyo gobolka Awdal, waa dan aynu wada leenahay” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Nabadgeliyadda iyo tafaasiisheedda, iyo qiimaha ay leedahay iyo horumarka inoo soo socda, waa la dhameeyay, oo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda ayaa idiinka waramay”.

Dhinaca kale waxaa kulankaasi ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland oo madax dhaqameedkii madasha joogay u hogo tusaaleeyay qiimaha ay nabadu leedahay.

 

 

 

Leave a Reply