Afartii Qof Ee Reer Ingiriis Ahba Mid Kamida Xanuunka Maskaxda Ahi Hayaa

0
392

Daraasad uu dhowaan sameeyey Maxadka Caafimaadka Qaranka ee dalka Ingiriiska  loona soo gaabiyo ( NHS) ayaa laga soo saaray natiijo dadka ka yaabisay, taas oo lagu sheegay in afartii qof ee reer Ingiriis ahba mid kamid ahi  maskaxda ka xanuunsanaayo.

Kooxdan daraasadda samaysay  ayaa cadeeyey  in dhalinyaradda reer Ingiriis ay rag iyo dumarba u nugul yihiin xanuunadda isku buuqu keeno  iyo kuwa Nafsaaniga ahba, waxaanay cadeeyeen in dhalinyaradaasi  200%  uu ku furan yahay buuqaasi , gaar ahaana da’da 17 jirka ilaa 19 sanno jirka.

Geesta kalena daraasadan ayaa sheegtay in carruurta da’doodu tahay  inta u dhaxaysa 5 sanno ilaa 15-ka sanno  ay ka bad baadaan xanuunaddan nafsaaniga ah , sidoo kalena aanay jirin wax isku buuq ah oo ay la kulmaan.

Natiijadda daraasadan oo lagu daabacay wargeyska The Telegraph oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay digniino  ay dhakhaatiirta Ingiriisku uga digayaan hablaha yar yar   in ay iska ilaaliyaan  waxyaalaha keenaaya Isku buuqa, dhibaatadda Qoysaska  iyo dhibaatadda Baraha Bulshadda ee  lagu xidhiidho.

Daraasadan ayaa lagu eegaayey  dad ka badan ilaa 9,000 oo carruur iyo dhalinyarro ah , kuwaas oo ku nool wadanka Ingiriiska goboladdiisa kala duwan.

 

Leave a Reply