Shiinaha Oo Noqday Dalka Hirgeliyey Wershadda Ugu Weyn Ee Laydhka Dhalisa Caalamka

0
418

Dalka Shiinaha ayaa laga dhisay  dab dhaliye weyn oo ay ku baxday lacag aad u badani, kaas oo noqonaaya Dab soo saaraha ugu weyn uguna awooda badan goobaha laydhka laga dhaliyo waddamada Adduunka.

Dab dhaliyahan oo ku fadhiya dhul baladhkiisu yahay 5,300 oo Meter ayaa laga hirgeliyey  gobolka Tibet ee dalkaasi , gaar ahaana buuraha Himilaayas , waxaanu mashruucani soo maray  xaalado badan oo adag ,  kuwaas oo ay ugu waaweynaayeen dhinaca Cimiladda, Dabaylaha  oo iyagu caqabad ku noqday  mashruucani intii uu socday  iyo sidoo kalena Oxygen la’aan madaama oo uu jooga badda ka sareeyo dhismahani  5,300 oo Meter.

Mashruucan iyo dab dhaliyahan ayaa loogu talo galay in uu awooda Korontadda siiyo Goobo tareenaddu maraan iyo kuwo ay ka baxaan oo u dhow Buuraha Himilaayas, kuwaas oo ay yimaadaan dadka dalxiiseyaasha ahi, sidoo kalena waxa uu iftiimin doonaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Lhasa iyo Nyingchi  oo mustaqbalka uu gaadhi doono.

Dhinaca kale  waxa uu ku fadhiyaa dhul baaxad ahaan gaadhaaya 2.738 Km, waxaana mashruucan  ku baxaaya lacag dhan $2.3 Billion .warbixin lagu qoray wargeyska Daily Chine oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in dalka Shiinuhu  uu bilaabay in uu helo awoodan laydh bishii April ee sannadkii  2017-kii, isaga oo si rasmi ahna u furay bishii November ee sannadkii 2018-kii.

Leave a Reply