Waxa Uu Aminsan Yahay Dulmi!

0
510

Dadka uu ku dhaco xanuunka Schizophrenia waxa lagu gartaa inuu qofku yeesho dabeecad aan caadi ahayn, iyo hadal aan xaqiiq aheyn, rumaysashada beenta, iyo fikirado  jahwareer leh,

Waxa kale oo xanuunkani sababa inuu qofka ku keeno in maskaxdiisu amaro khaldan bixiso.  Wuxu wax ka bedela sida qofku u fikirayo ama u arkayo arrimaha ka dhacaya hareertiisa iyo caalamkaba. Dadka xanuunkani ku dhaco xaqaa’iqa iyo runta ma waajahaan way ka werweraagaan mar kastana waxay sheegaan in laga gar daran yahay iyo inay dulman yihiin. Waxay maqlayaan ama arkayaan waxaan jirin oo u sanqadhaya oo aan dadka kale u muuqan

Waxay u hadlaan si yaab leh, ama hab werwer ka muuqdo, waxayna aaminsan yihiin in dadka kale doonayaan inay dhibaateeyaan ama xuquuqdiisa la duudsiyayo, isla markaana aanay cadaaladi jirin.

Way ku adag tahay inuu wada hadal ka galo cabashadiisa, wuxuuna aaminsan yahay in mar kasta la khiyaamaynayo iyo in xuquuqdiisa la duudsiyay.

Xanuunkani wuxu ku keenaa dadka uu ku dhaco cabsi joogto ah iyagoo aaminsan in aanay weligooda cadaalad ka helayn waxay ka cabanayaan. Waxa kale oo yaab leh in dadka xanuunkan qabaa ay isu haystaan inay caafimaad qabaan waayo wax kasta wuu qabsanayaa, waxaana uu ka shaqaysnayaa nooca kasta oo shaqo ah, xataa siyaasadda iyo doorashada ayuu gelaya laakiin runtii wuu bukaa mar hadii kalsoonidii ka luntay oo uu noqday mid cabashadiisu joogto tahay.

Bukaankani ma kala saari karo arrimaha khariban ee xun iyo kuwa wanaagsan, isla markaana si fiicana ugama fikiro waayaha mustaqbalkiisa iyo timaadada. Xanuunka Schizophrenia waxa sababa ama keena si buuxda looma yaqaano waxase ay u muuqata inuu keeno is dhex galka adag ee u dhexeeya fikirka qofka iyo xaaladaha ku wareegsan ee deegaanka. Xanuunkani waxa maanta dunida uu hayaa dad gaadhay 2.4 milyan.

 

Leave a Reply