Dareenka Caruurta Iyo Xaqiiqda

0
402

Waxay kuwada noolaayeen iyada wiil yar oo ay dhashay makhsin yar oo aan la hayn saqaf  sare. Haddaba Maalin ayuu roob aad u badani soo da’ay, wiilka yarina weligii  ma arag roob sidan u badan.

Markii uu aad usii batay ayay hooyadi albaabkii guriga soo saartay oo iyada iyo wiilkeedii yara hoosta ka galeen. Wiilka yar ayaa  markii uu roobka qaaday hooyadii ku yidhi : “ hooyo dadka Saboolka ah ee aan haysan albaab xagee ayay roobka ka galaan ? .  Dareenka caruurta ayaa muujiya xaqiiqooyinka jira, waxaana uu ka fikirayaa inay jiraan dad aan xataa haysan albaab ay roobka ka galaan.

Leave a Reply