Waxaan Ku Fashilmay Qoyskayga!

0
432

Mustafa Maxamuud waxa uu dhashay Disembar 1921, waxaana uu ahaa Masaari aad u bartay cilmiga dhakhtarnimada, falsafad, isago weliba ahaa qoraa aad u sareeya. Waxaana loo tabobaray dhakhtar, laakiin markii dambe wuxuu jecaaday shaqo  joornaaliis ah iyo qoraanimada, waxaana uu qoray 89 buug.

Sanadkii 1961 guursaday laakiin haddan waxay kala tegeen 1973.  Waxaan uu caan ku noqday barnaamijkii Sayniska iyo Caqiidada ee uu ka baahin jiray TV-ga.

Mustafe Maxamuud waxay aad saaxiib u ahaayeen madaxweynaha hore dalka Masar Anwar Asdaat kaasi oo marar badan usoo bandhigay jagooyin kala duwan iyo mansabyo aad u sareeyay.

Mar uu usoo bandhigay inuu noqdo wasiir sare ayuu Mustafe Maxamuud ku Jawaabay :” Anigu waxaan ku adkaan waayay masuuliyadii qoyskaga oo aan ku fashilmay, sidee ayaan masuuliyad ka ballaadhan ugu guulaysan karaa”, Waana uu ku diiday inuu jagadaasi qabto.  Mustafe Maxamuud waxa uu dhintay bishii October sanadkii 2009, isagoo da’diisu gaadhay 87 sano. Waxaana xikmadihiisa ka mid ahaa “ Nolol aan Iiman lahayn waa kharaab, mugdi, wareer iyo dadaal aan midho natiijo iyo midho dhal lahayn”

Leave a Reply