Somaliland oo Shirweyne Maalgashi Ku Qabatay Kenya

0
396

Qore Faysal Xiis Afgaab

Nairobi (Dawan)- Dawladda Somaliland ayaa shirweyne ballaadhan oo caalami ah oo maalgashi ku qabatay dalka Kenya.

Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen shirkado ganacsi oo caalami ah iyo wakiillo dawladeed ayaa lagu qabtay xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay safaradda Somaliland ay ku leedahay dalka Kenya ayaa waxaa kale oo ka qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, safiirka Somaliland u jooga dalka Kenya iyo ku xigeenkiisa iyo madax kale oo ka socday dalal iyo shirkado ganacsi oo kala duwan.

Siday Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ay qortay waxa shirkaas waxana ka soo qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Maaliyadda Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim iyo masuuliyiin kale.

Shirkan caalamiga ah oo ah kii labaad ee noociisa ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ku qabato Nairobi, waxa sannadkan lagu falanqeeyey sidii loo maalgashan lahaa Khayraadka dihin ee Somaliland gaar ahaan, Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Tamarta iyo dhaqaalaha Somaliland.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Maaliyadda Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay shirkan ayaa si qoto-dheer uga warramay siyaasadda Xukuumadda Somaliland ee ku wajahan dhinaca maalgashiga iyo sida ay Somaliland u fududeysay sidii ay u kasban laheyd maalgashiga caalamiga ah.

Waxa kaloo ay Wasiirradu ku boorriyeen shirkadaha ka soo qaybgalay shirweynahaas inay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa sheegay in shirkaas loogu gudbiyey madaxdii ka soo qaygashay oo isugu jiray saraakiil ka socday dawladda Kenya iyo shirkadaha kala duwan, warbixinno dhammaystiran oo ku saabsan baahiyaha maalgashi ee Somaliland u baahan tahay.

Danjire Baashe Cawil wuxuu tilmaamay inay martidii lagu casuumay gaar ahaan shirkadihii ganacsigu ay muujiyeen siday u danaynayaan inay maalgashadaan Somaliland oo ay ka jirto nabadgelyo iyo dawladnimo shaqeynaysa oo caalamku aamini karo.

 

 

Leave a Reply