Madaxweyne Muuse oo ka Hadlay Saddex Qoddob oo Somaliland ay ku Gaadhi Karto Hodan-tinimo Dhaqaale

0
442

Warside Caan ah oo Warbixin Dheer ka Qoray Shirkii Maalgashiga ee Somaliland ku Qabatay Kenya

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Saddex Qoddob oo dalku ku gaadhi karto Hodantinimo dhaqaale.

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu daabacay shalay Warsidaha East African Business Week, oo ka soo baxa dalka Uganda, oo ku saabsaneyd shirkii maalgasjhiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tamarta ee dawladda JSL ay Khamiistii ku qabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warsiduhu wuxuu soo xigtay war-murtiyeed uu soo saaray madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu ku caddeeyey in kaabeyaasha dhaqaalaha, Tamarta iyo soo saarista khayraadka dalku ay fure u noqon karaan horumar dhaqaale oo ay gaadho Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu iftiimiyey inuu ku rajo weyn yahay in soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee JSL ay yareyn karto saboolnimada isla markaana u horseedi karaan shacabka Somaliland inay gaadhaan barwaaqo dhinaca dhaqaalaha ah.

Md. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland, wuxuu war-murtiyeedkaas ku xaqiijiyey in madasha maalgashigu ay qayb ka tahay dedaalka ay Somaliland ugu jirto inay u hesho taageero dibadeed soo saarista khayraadka dalka.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in madaxdii lagu soo martiqaaday shirkii maalgashiga uu ka mid ahaa Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Kenya Mr. John Munyes oo ku guubaabiyey ganacsatada dalkiisa inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ay soo bandhigeen madaxda Somaliland.

Wargeyska East African Business Week oo aad wax uga qora Somaliland, ayaa sheegay in shirkii maalgashiga ay faahfaahin ka bixiyeen Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Waxa kaloo shirkaasi goob joog ka ahaa David Stanton oo ah Agaasimaha Guud Ganacsiga bariga Afrika iyo Wakiilka Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB).

 

 

Leave a Reply