Shirkaddaha Soo Saara Gaadiidka Oo Ay Kusoo Biirtay Shirkad Laga Lee Yahay Ingiriisku

0
437

Shirkadda dalka Ingiriiska laga lee yahay ee Bentley oo ah shirkad muddo dheer soo jirtay , ayaa kusoo biirtay suuqyada soo saarista gaadiidka iyo shirkaddaha tartanka gawaadhida ku jira.

Shirkaddan waxa la aas aasay sannadkii 1919-kii, waxaana aas aasay Injineer reer Ingiriis ah oo lagu magacaabo W.O.Bentley  ,waxaanay suuqyadda dunnida kusoo gashay maalmeheedii ugu horeeyey gaadiid aad u tayo badnaa oo ay soo saartay, kuwaas oo ay reer Ingiriis ku faani jireen.

Waxaanay marar badan soo saartay gawaadhi ilaa hadda qaarkood noocoodii la isticmaalo oo taariikhi noqday, kuwaas oo ay dadka aduunku marar badan iibkoodka ku tartami jireen, inkasta oo aanay in dhoweyd gawaadhi badan soo saarin , sidoo kalena aanay casriyeyn gaadiidkeeda.

Waxa ay shirkaddu dhowaanahan ku mashquulsanayd soo saarida gaadiid cusub oo la jaan qaadi kara gaadiidka maanta dunnida laga isticmaalo, iyada oo gawaadhidii ugu horeysay dhowan soo saartay, kuwaas oo uu kamid yahay gaadhiga lagu magacaabo Kontenental .

Waxa ay sidoo kale soo saartay shirkaddu gaadhi kale oo lagu magacaabo Bentley Benteega , gaadhigan oo ah mid awood badan u leh in uu maro meelo kala duwan oo aanay gaadiidka qaarkood aanay marin, gaar ahaana buuralayda, waxa gaadhigan ku xidhan qalab Technology ah oo aad u horumarsan .

Shirkadda oo dhowaan u dabaal degtay sannad guuradda markii la aas aasay ayaa soo bandhigtay gaadiidkeeda Mustaqbalka, kuwaas oo ah ay khubarrada gaadiidka ee shirkadaasi sheegeen in uu la jaan qaadaayo xataa Technology-yada sannadka 2035-ka lasoo saari doono,waana gaadhiga lagu magacaabo BENTLEY EXP100GT.

Gaadhigan ayaa loo sameeyey hab casri ah oo la jaan qaadi karta gaadiidka Mustaqbalka, waxaanu la wadaagaa gaadiidka ciyaaraha waxyaalo badan.

Gaadhigan ayaa leh daakhado isu furaaya kor, kuwaas oo hab casri ah loo furaayo, waxa kale oo uu lee yahay shaagag macdani ah oo hab ka duwan gaadiidka kale loo sameeyey, kuwaas oo ah taayiradda ay isticmaalaan gaadiidka tartamada ciyaaraha caalamka ee aadka u dheereeya.

Bentley waxaa sidoo kale lagu sameeyey shabak macdani ah ama Allamuumiyaam ah oo xaga hore lagaga sameeyey, kaas oo lagu xidhay inta u dhaxaysa Labada indhood ee laydhka, waana kuwo laydh ahaan loo isticmaali karo, iyada oo uu gaadhiga ka dhigaayo mid aad soo jiidasho u leh.

Waxa sidoo kale saaran gaadhigan mashiin aad u awood badan oo dabka ah, waxaanu mashiinkani gaadhayaa ilaa 1340 oo Horse Power, waxaanu socon karaa saacadiiba ilaa 100 km, waxaanu muddo gaaban ku gaadhi karaa meelo aad u kala fog, isaga oo sidoo kalena awood u leh in uu 300 km socdo saacadii.

Baytariga gaadhigan ku jira ayaa u saamixi kara in uu gaadhigani si xidhiidh ah u socdo ilaa 700 km , isaga oo isticmaali kara biyaha Baytarigiisa ku jira 80% kiiba.

Shirkadda ayaa masuuliyiinteedu sheegeen in gaadhigani suuqyada soo geli doonaan sannadka 2035-ka, iyada oo inta ka horeysana  gelin doonta tijaabooyin kala duwan oo dhinacyada kala duwan ee gaadhigaasi  uu ka kooban yahay lagu samayn doono.

Leave a Reply