Dunida Cadaalad Darro Ayaa Ka Jirta!

0
438

Nin sabool ah oo xaas iyo caruurba leh ayay maalintii Ciiddu usoo gashay isagoon aan haysan lacag ay ku iibsadaan hilib faraxadda Ciidda awgeed, madaama dadka badankoodu ay sidaa sameeyeen.

Markii uu suuqa usoo baxay oo uu arkay farxadd dadka ee maalintaasi ayuu gurigiisa ku soo noqday isagoo niyad jabsan, Gabadhiisa ayaa karinaysay  fuulka galka leh, kaasi oo raashin ahaan u quutaan dadka saboolka ah !

Markay uu bislaaday waxay bilaabeen inay cunaan, markay fuulka galka kala dhex baxaan daaqaday ayay galka ka tuurayeen!

Markii ay dhergeen ee ay keceen ayuu ninkii faqiirka ahaa isagoo cadhaysan yidhi “Dunida cadaalad daro ayaa ka jirta,  dadkii oo dhami hilibay cunayaan inaguna fuul”  Isagoo niyad jabsan ayuu debedda usoo baxay!

laakiin wuxu si lama filaan ah u arkay nin daaqada gurigiisa hoos fadhiya oo galkii fuulka ee ay tureen ciida ka masaxaya ka dibna cunaya oo weliba leh ” Allah ayaa mahad leh igu arsaaqay  anigoon xeelad iyo quwad midna lahayn raashinkana diyaarka ah“.  Saboolka ayaa ogaaday inay dunida ku nool yihiin dad aan iyagu xataa  haysan Fuulka uu u arkayay raashin liita.  Allah u mahadnaq mar kasta waxa jira kuwa kaa liita.

 

Leave a Reply