Duuliye Been Ah Ayuu Safarada Ku Galay!

0
523

Nin lagu ganacsade ah oo lagu magacaabo Rajan Mahbubani oo u dhashay dalka Hindiya ayaa si xeeladaysan safaradiisa shirkadaha dayuuradaha bilaash ugu raaci jiray. Rajan ayaa soo xidhan jiray dirayska ay xidho duuliyaha shirkadda dayuuradaha Lafthansa kaasi oo ah shaadh cad oo adag iyo surwaal madaw iyo koofiyada iyo muraayadda duuliyihu xidho.

Rajan oo 48 jir ah ayaa dayuurad kasta raaci jiray iyadoo aan la baadhin isagoo iska dhigyaya inuu yahay duuliye ka tirsan shirkadda, iyadoo shirkadahana ay ka dhaxayso in duuliyaha uu iska raaci karo shirkad kasta marka la aqoonsado.

Rajan Mahbubani, ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada New Delhi maalintii Isniinta ahayd sida lagu daabcay wargeyska Washingtonpost, markaasi oo uu doonayay in uu ku safro diyaarada AirAsia, waxaana ninkan fashiliyay shaqaale ka mid ah shirkadda Lufthansa oo ka shakiyay ka dibna booliiska ku wargaliyay.

Madhitaan ay booliisku ku sameeyeen ayay ku soo saareen kadhadh aqoonsi oo been abuur ah kuwaasi oo u adeegsan jiray inuu ku galo madaarada, iyadoo telefoonkiisa laga helay sawiro badan oo uu iska dhigayo inuu yahay duuliye.

Taliyaha xigeenka saldhiga madaarka NewDelhi ayaa sheegay inuu Rajan qirtay isagoo cadeeyay inuu kaadhadhka kaga gudbi jiray dhamaan albaabada madaarada ee la isku baadho, iyadoo weliba si ixtiraam leh loo sii dayn jiray. Waxaana la sheegay in kiiskaasi haddii uu ku cadaado lagu xukumo xadhig iyo ganaax labadaba. (Washingtonpost)

Leave a Reply