Qiyaasta Mudada Noloshiisa Ayuu Khalday !

0
442

Islaan u dhalatay dalka Faransiiska laguna magacaabo Eugenie Ballachar ayay  da’deedu gaadhay 90 sano. Wakhtigaasi oo ahayd sanadkii 1965, keligeed ayay ku noolayd guri dabaq ah oo ay lahayd oo ku yaalay magaalada caasimadda Baarays,  ka dib markii u dhintay odaygeedii iyo gabadh ay dhashay, mana ay jirin cid halkaasi ku xanaanayn jirtay.

Mid ka mid ah garyaqaanada degan jaarkeeda ayaa la kulmay  oo u balan qaaday inuu siin doono bil kasta 2500 Doller, iyaduna ay ka ogolaato inuu ka dhaxlo dabaqan marka ay dhimato.  Soo jeedintaasi ayay ogolaatay  waxayna sharci ahaan u dhameeyeen wixii looga baahnaa oo dhan.

Garyaqaanka ayaa wakhtigaasi aad u  farxay maadaama uu ku helayo guri dabaq ah lacag yar maxaa yeelay wuxu filayay inay noolaan doonto ugu badnaan 2 ama 3 sano oo danbe. Arinkaasi ayaa noqday mid iska bedelay sidii uu malaysanayay. Islaanta ayay  da’deedu gaadhay 122 sano, Wakhtigaasi oo ay garyaqaanka ka qaaday lacagtii ay ku heshiiyeen.

Waxa kale oo yaab noqotay in Garyaqaankii uu ka hor dhintay islaantii markii uu ku dhacay xanuunka Kansarku, wakhtigaaasi oo ay islaantu ka qaadatay $ 30 kun.   Waxaana muhiim ah  in aan ogaano in aan qofna qiyaasi karin oo aanu jaangoyn iyo talo ku lahayn mudada noloshiisa iyo ta qof kale midna.

 

 

Leave a Reply