XIKMADAHA

0
559
  • Kalluunku afka ayuu xidhaa si an loo ugaadhsan, xidho afkaaga, waxa badan kuwo meel ka dhacaaga radinaya . Xurmee oo sharaf  kan kuu baahan.
  • loox ayaa musbaar ku yidhi waad i dulmidey oo i dhibtay , musbaarka ayaa ku jawaabay hadii aad arki lahayd dubaha madaxa la igala dhacayo waad ii cudurdaari lahayd.
  • U cudurdaar dadka, noqo sida qorraxda oo kale mid saafi ah niyadana hagaaji.
  • Nin saalixiintii hore ka mid ah ayaa la weydiiyey maxaad masjidka utagtaa intaan la eedaamin? wuxuu ku  jawaabey eedaanka waxaa lagu baraarujiyaa kuwa ilowsan, waxaan rabaa in aanan ka mid noqon kuwaasi.
  • Dadku markasta waxay doonaan waxaanay haysan, markay helaana mid kale ayay doonaan waxay haystaana ee nimca ahna ma arkaan .. Waana dhaqanka aadamiga.
  • Ma jirto Aduunayada qof kaaftoomay, mid kasta waxbaa ka dhiman.ha werwerin dadku waa kula mid.
  • Markaad maal iyo dhaqaale ka fikirayso kan kaa hooseeya eeg, markaad cilmi iyo cibaado ka doonaysana kan  kaasareeya eeg.
  • Guushu lama sugo , waxay timaadaa doonitaan , waligaa ha sugine u dhaqaaq dhinaceeda.

Leave a Reply