Badhasaabka Sool Oo Furay Aqoon Is-waydaarsi Loo Qabtay Dhalinyarradda Saddex Gobol

0
403

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool ayaa furay aqoon is-waydaarsi ay dalladda dhalinyaradda Somaliland ee SONYO magaladda Laascaanood ugu qabatay ururradda dhallinyarada ee gobollada Sool, Saraar iyo Sanaag.

Tababarkaasi oo ku saabsan hoggaaminta dhalinta iyo is-dhexgalka da’yarta saddexdaas gobol ayay dhalinyaradu isku dhaafsadaan doonaan mudadda uu socdo afkaaro garab is-taaggaya ammaanka, horumarka saddexdaa gobol.

Tababarkaasi oo shalay ka furmay hudheelka Rays ee magaaladda Laascaanood waxaa soo qaban qaabisay dalladda dhalinyaradda Somaliland ee SONYO.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo si rasmiya u furay tababarkaasi ayaa tilmaamay in uu ku rejo weyn yahay in kulankaasi uu horseed u noqdo iskaashi togan oo ay yeeshaan dhalinyarada goboladda Sool, Saraar iyo Sanaag.

Waxaanu yidhi, “Waxaan ku faraxsannahay sharaf-na ii ahayd in aan ka qayb galo aqoon is-waydaarsi ay dalladda dhalinyaradda Somaliland ee SONYO maanta hudheelka Rays ee magaladda Laascaanood uga furtay ururradda dhallinyarada ee gobollada Sool, Saraar iyo Sanaag.

Tababbarkan oo ku saabsan hoggaaminta dhalinta iyo is-dhexgalka da’yarta saddexdaas gobol ayaan rejaynnayaa inay isku dhaafsadaan kana soo baxaan afkaaro garab is-taaggaya ammaanka, horumarka saddexda gobol iyo guud ahaanba Somaliland”.

Geesta kale badhasaabka Sool ayaa ku dhalinyaradda ka socotay goboladda Saraar iyo Sanaag ku soo dhaweeyay gobolka Sool oo uu sheegay in uu yahay gobolkoodii labaad, isla markaana aanay marti ku ahayn.

“Mar kale waxaan leeyahay dhallinta ka socota gobolada Sanaag iyo Saraar ee aqoon is-waydaarsigan ka qayb galeya, ku soo dhawaada gobolkiina labaad oo aydaan marti ku ahayn.

Waxaanan kulankani ku rejo weynahay inuu horseed u noqda iskaashi togan oo ay yeeshaan dhalinyarada Sool, Saraar iyo Sanaag”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Dhinaca kale C/qani Jiidhe, waxa uu sheegay in xukuumadda hadda ee uu hogaamiyo madaxweyne Biixi ay doorkii ugu weynaa siisay dhallinyarada, si ka duwan xukuumadihii ka horreeyay.

Sidoo kale badhasaabka ayaa uga mahad celiyay daladda SONYO qaybta weyn ee ay ka qaadato horumarinta dhalinyaradda.

Isagoo arrimahaa ska hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaan u mahad-naqayaa dalladda SONYO oo qayb weyn, oo hufan ka qaadata horumarinta guud ahaan dhallinyarada Somaliland.

Waxaa kale oo guul ah in xukuummadda xilligan ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo dawrkii ugu weynaa dhan siyaasadeed iyo horumarin-ba uu ka siiyay dhallinyarada, si ka duwan xukuumadihii ka horreeyay”.

Leave a Reply