Barakacayaasha Hargeysa oo loo Fidiyey Maal-gelin Ganacsi

0
419

Qore Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda ACTIN, ayaa barmaamuj maal-gelin ganacsi ah u fidisay qoysas kamida Barakacayaasha ku dhaqan kaamamka magaalada Hargeysa, waxaana kulan mashruucaasi lagu daah-furay shalay ka qaybgalay guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Qaranka iyo arrimaha Qaxoontiga, Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif), kaasoo kulankaasi kaga dhawaaqay in qorshaha xukuumadda ee kor u qaadista nololsha barakacayaashu ay tahay in laga saacido kobcinta kaabeyaasha anfacaya bulshada mustaqbalkooda.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay tobanaan qof oo ka kala socday Kaamamka barakacayaasha, kuwaasoo loo maal-geliyey ganacsi kala duwan oo yar yar, si ay nolol maalmeed iyo raasamaal mustaqbal ugala soo baxaan.

Ganacsiyada loo maal-geliyey barakacayaashan, ayaa isugu jira Dukaamo, Mishiinada dharka lagu tolo iyo xoollo nool, waxaanay xubno kamida la-maal-geliyeyaasha oo halkaasi ka hadlay mahad-naq u jeediyeen Hay’adda Barakacayaasha Qaranka oo ay tilmaameen in ay si dhaba u waajahday dariiq ku haboon ka jawaabista baahiyahooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Qaranka iyo Qaxoontiga Cabdikariin Axmed Maxamed Xinnif oo gabagabadii kulankaas ka hadlay ayaa kula dardaarmay Dadka faro-qabsiga maal-gelineed loo fidiyey in ay ka faa’idaysteen fursadan la siiyey oo ay wax soosaarkooda kaga gudbaan marxalada ay ku jiraan.

Guddoomiyuhu isagoo sharaxaya qaybaha uu ka kooban yahay mashruucan iyo faa’idooyinkiisa waxa uu yidhi “waxqabadku ha yaraado ama ha badnaado ee tayadiisa ayuunbaa muhiim ah in la qiimeeyo. dadka la siiyey mashruucani ha koobnaadeene waxa ay anfacayaan qoysas badan.

Barmaamujkan waxa ku jira Dukaamo, Dawaarka ayaa ku jira, booshari ayaa ku jira, xoolo noolbaa ku jira, waxaan idinkula dardaarmayaa in waxaa yar ee gacantiina soo galay in aad ku tacabtaan oo aad wax kala soo baxdaan, kuwo kalena waa idiin soo socdaane sidaa u ogaada, hadii nasiibku idinku soo hagaajiyo iyo haddii kuwo kale la siiyaba”ayuu yidhi Guddoomiye Xinnif.

Guddoomiyaha ayaa isagoo hadalkiisa sii wata sheegay “annagu hay’adaan waxaan inta badan Hay’addaha kala hadalnaa in dadku u baahan yahay wax ay iyagu isku maamulaan ha yaraado ama ha badnaadee, uma baahna wax yar oo masaariif ah oo bil walba la siiyo, laakiinse marka ganacsi yar loo abuuro wuu u tarmayaa allena SWT wuu u barakaynayaa”ayuu yidhi raaciyey.

 

Leave a Reply