Suldaan Xukuumadda ugu Baaqay in loo Gurmaddo Bulshadda Degmada Saylac

0
409

Qore Khadar M. Xaashi

Boorama (Dawan) Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo mid ah madax dhaqameedka gobolka Awdal ayaa ka dayriyay xaaladda deegaanka Saylac, taas oo uu sheegay in ay roobabkii dhawaan ka da’ay ay go’doon ka dhigeen.

Suldaan Ibraahim Jaamac waxaa uu sido kale xukuumadda iyo hay’adda dawladda iyo ganacsatada reer Somaliland ugu baaqay inay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadkaasi ay go’doomiyeen daadadka ka dhashay roobabkii dhawaan helay deegaankaasi.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar isaga oo ugu horeyn arrimahaas ka hadlayana waxaa uu yidhi “Dhibaato ayaa ka taagan degmadda Saylac iyo deegaanada hoos yimaada oo go’doon ku jira, lama gali karo lagamana bixi karro min Lowyacado illaa Toqoji oo bulshadii ku nooleyd muddo shan cisho ah ayaanay waxna gelin waxna dibedda uga soo bixin, dadkaasi waxaa ay ku jiraan go’doon cid illaa hadda u gurmatay ma jirto.

Waxaan u soo jeedinayna bulshadaasi in gurmadd deg deg ah lala gaadho in dariiqyaddii loo mari lahaa loo furo, hay’addaha Barakacayaasha iyo Keydka raashinka waxaanu leenahay dadkaasi si deg deg ah ha loogu gurmaddo, wixii ay u baahan yihiina loo qabto, dadka ILLAAHEY dartii wax ula baxa iyo ganacsatadduna haka qayb gallaan dhammaanba bulshadda reer Somaliland meelkasto ay joogto dadkaasi haw gurmadaan”

 

Leave a Reply