Dadka ku nool “Tuulada doqomada” oo u dabaaldegaya magaca cusub ee tuulada

0
527

Dadka ku nool waqooyiga Nigeria ayaa waxay u dabaal degayaan magacii laga bedelay tuuladooda oo la odhan jiray tuulada doqomada balse haatan loo bixiyay tuulo burwaaqo.

Gudoomiyaha deegaanka ayaa ku dhawaaqay magac ka bedelista tuulada ka dib markii dadka deegaanku ay ka cawdeen in sannado badan lagu maadaysanayay oo ay ka xishoon jireen inay dadka u sheegaan halka ay ka yimaadeen.

‘’Waxay ahayd ceeb in dadka aan u sheego in aan ka imid Unguwar Wawaye oo micnaheedu yahay tuulada doqomada balse haatan aniga oo dhiiran baan odhan karaa waxaan ka imid Yalwar Kadana oo micneheedu yahay tuulada burwaaqada’’, waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Bala Sani oo ka mid ah dadka deegaanka.

“Waxaan u mahadcelinayaa Amiirkeena sida uu u dhageystay soo jeedinteena’’.

Tuuladan oo ku taalla gobolka Kano ayaa markii hore magacaasi loo bixiyay 70 sanadood ka hor, mana cadda sababta markii hore magacaasi loogu bixiyay.

 

Leave a Reply