Midabkiisa Ayaa Jaamacada Loogu Diiday!

0
454

Axmed Adam Cali  ( Haybe)

 

George W. McLaurin oo ka soo jeeday bulshada madow ee dalka Maraykanka ayaa noqday qofkii u horeeyay ee madow ah ee loo ogolaado inuu dhigto jaamacadda Oklahoma sanadkii 1948, ka dib markii jaamacaddu ogolaatay in dadka madoobi wax ka baran karaan, iyadoo wakhtigaasi cadaadiska madow xoogana.

 

Madaama midab kala sooca Maraykanka ee madowga iyo cadaanka uu meel sare joogay, Fasalkii lagu daray George waxa la fadhiisiyay goob aad uga fog ardayda cadaanka ah iyadoo la siiyay miis u gaar ah.

Goerge ayaa sheegay in ardayda cadaanka ahi u arkayeen inuu xayawaan, waxa kale oo intaasi ku daray in aan qofna la sheekaysan jirin isla markaana ay ka xaroogeen jireen oo aanay xataa usoo dhowaan jirin.

Macalimiinta laftooda ayaan iyaguna su’aalaha uu weydiiyo uga jawaabi jirin iyagoo madawgiisa ku xaqiraya. Goerge ayaa sheegay inuu mudada ka dib goostay inuu isagu iskii u dadaalo. Waxaana uu dadaalkiisa ku gaadhay inuu jaamacadda ka qaato shahaadda derjada labaad (Master) sla markaana uu ka noqdo noqdo macalin wax ka dhiga (professor). Waxa kale oo uu noqday saddexda qof ee Jaamacadda ka baxay ee ugu magaca weyn, taariikhdana galay oo mar kasta tusaale loo soo qaato.

Wax kasta oo aad ku dadaasho waad gaadhaysaa inkasta , caqabadaha ku gudban ayaa u baahan samir iyo adkaysi.

Leave a Reply