Faankii Ayay Xabsi Ku Gashay!

0
677

Axmed Adam Cali  ( Haybe)

Magaalada Boston ee Maraykanka xarun ganacsi ayaa  dacwad ku oogtay gabadh lagu magacaabo Chakalin Forman taasi oo ay ka codsadeen inay uso celiso alaabo ay hore uga iibsatay oo aanay bixin lacagtooda.

Gabadhan ayaa iibsatay alaabooyin kala duwan sida talaajada , qasaalad, mishinka timaha qalajiya, TV iyo qalabka ilkaha lagu nadiifiyo kuwaas oo dhamaantood ku sheqeeya laydh laakiin haddana aanu gurigeedu lahayn lahayn dab qaybisooyin iyo weliba awoodii dabka alaabtaasi oo dhan lagu isticmaali lahaa.

Gabadhan oo maxkamadda looga yeedhay lana weydiiyay daynta alaabtaasi ayaa cadaysay  inay alaabadan ay usoo qaadatay ka dib markii ay jaarkeedu ugu faaneen alaabooyin kala duwan si ay u muujiso inay iyaduna iibsan karto isla markaana ay gurigeeda yaalaan. Waxayna tidhi “ Waxay igu mashquuliyeen miyaanda haysan mishiinka timaha, talaajad, iyo wax badan… Markaasi ayaan go’aansaday inaan anigu ugu jawaabo waan leeyahay wax kasta“

Xaakimka ayaa ganaax ku riday isagoo amrna ku siiyay inay celiso alaabadaasi, laakiin ninkeeda ayaa sheegay inay iska haysato oo uu bixin dono qiimaha alaabada. Ugu danbaystiina gabadhan ayaa calaacalkeeda ku soo xidhay “ Haddii aan faanka dumarka ladan ee jaarka aanu nahay joogsan waayo, arinkani wuxu noqon doonaa sahaale, wax ka weyn ayaa dhicin oo aad la yaabtaan, waa in maxkamadu xukunto inay joojiyaan faanka.”

Leave a Reply