FaceBook: Werwerka Fursadda Ka Luntay!

0
451

Axmed Adam Cali  ( Haybe)

 

Asaasaha shirkadda Facebook Mr. Mark Elliot Zuckerberg waxa uu dhashay sanadkii 1984, waana nin Maraykanka. Sanadkii 2004 oo ah wakhtigii uu samaynayay shirkadda Facebook ayuu saaxiibadii usoo jeediyay inay kala qayb qaataan curinta shirkad bulshadu kuwada xidhiidho oo hindisayay, laakiin dhamaantood laakiin dhamaantood way la yabeen oo ka soo  wada  horjeesteen iyagoo u arkayay arrin aan suurtgal ahayn oo fashil ku  danbaynaya.

FIkradiisa waxa keliya ee ka ogolaaday waxay ahaayeen laba saaxiib oo la qaatay fikradda lana asaasay waxaana aya kala yihiin Mr. Dustin Aaron iyo   Mr.Eduardo Luiz Saverin.

Labadaasi nin ee la asaasay Facebook. Wakhtigan hantida ay ay leeyihiin ayaa aad u badan iyadoo Mr.Dustin hantida uu leeyahay lagu qiyaasay $ 6.5 billion  doller. Mr.Edward ayaa isagana hantidiisa lagu qiyaasay $ 3.4 Billion doller.

Waxa muhiim ah marka saaxiibka ku soo jeediyo fikrada fursad ganacsi , in aanad ka hor iman oo aanad ka dhigin waxaan suurtagalayn. Waxa muhiim ah inaad dhegaysato oo maskaxda ka shaqaysiiso daraasadna ku samayso, madaama ay noqon karto hawl gancasi oo aad ku guulaysan doonto.

Waxaana aad ka badbaadi inaad murugooto markaad aragto fikraddii aad diiday oo isu bedeshay ganacsi balaadhan Saaxiibada asaasaha Facebook Mr.Marka Elliot ee aan fikradda ku raacin oo u arkay waxaan suurtgal ahayn ayaa weli si murugo leh u sheega fursadda ay dayaceen.

 

 

 

 

Leave a Reply