K. Feodorovich:Hogaamiyihii Hadalka Badnaa!

0
509

Axmed Adam Cali  ( Haybe)

Marka hadalku badan yahay arrinka aad ka hadlaysaana aanu macno lahayn ama uu been yahay waxa aad si fudud u luminaysaa sharaftaada iyo qiimaha aad bulshada ku dhex leedahay. Waxaana muhiim ah in aan carabkeena xakamayno.

Boqorkii Faransiiska ee Luwiskii 14aad  ayaa la sheegay inuu ahaa qof afgaaban oo aamuskiisu badan yahay , waxaana la sheegay in dadka xeeran aamuskiisu uu ku abuuray inay sharaftiisa ilaaliyaan oo ad u xaqdhowraan.

Dalka Ruushka ayaa deldelaad ku xukumay bishii July 25ka sanadkii 1826, Kondraty Feodorovich Ryleev oo ahaa gabayaa, qoraa iyo hogaamiye mucaarid ka dib markii  uu isku deyay inuu afgembi ku sameeyo boqortooyadii. Markii xadhiga deldelada lagu xidhay ee kursigii laga hoos qaaday, waxa soo go’ay xadhigii lagu deldelayay waana uu badbaaday.  Markii uu sidaa yaabka leh u nabad galay ayuu dadkii daawanayay ku soo jeestay isagoo ku yidhi :” Dalkeena wax kasta waxy khariban yihiin, xataa xadhiga deldelaadda sida loo xidho ma garanayaan, markaasi ayay dal dhan maamulayaan”.  Waxa uu ahaa nin gabayaa ah oo hadalku aanu ka go’in.

Boqorkii Qaysar markii loo sheegay sida wax u dheceen  iyo weedhihii dhaliisha xun ahaa ee uu dadka ku yidhi markii uu xadhigu go’ay , boqorka oo iskaba cafiyi lahaa ayaa amray in xadhiga la adkeeyo maalinta berina la dilo.

Maalintii ku xigtay ayaa la dilay , iyadoo wax kasta si fiican loo diyaariyay madaama ficil uu ku abuuray weedhihii hadal badnidu ka keentay. Haddii uu iska aamusi lahaa waa la iska dayn lahaa , laakiin cadhada waxa abuuray erayada xun ee jeesjeeka ah.

Aamusku waa xikmad iyo awood aad ku hanan karto qalbiyada dadka kale, inkasta oo wakhtiyada qaarkood loo baahan yahay  hadalka iyo inaan laga aamusin waxa khaladan. Taasi oo lagama maarmaan noqonaysa inaad hadal toosin, tilmaan iyo sixid ah oo badan dhan karto laakiin waa inuu isaguna ahaado mid xikmad iyo faa’iido soo kordhinya. Aflagaado iyo xumaanta qofka kale oo aad ku talax tagto maaha arrimaha aad ku gaadhi karto guul iyo yoolkaaga fog.

 

Leave a Reply