Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo ka Hadlay Qoraal Xafiiskiisa ka soo Baxay oo la Marin Habaabiyay

0
420

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):- Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi,ayaa ka hadlay qoraal uu 19-kii. bishan uu gaadhsiiyay mulkiileyaasha hudheelada caasimadda Hargeysa, oo labadii maalmood ee u dambeeyay la soo dhigayay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Face Book isla markaana la marin habaabiyay lagana dhigay wax ka baxsan wixii uu qoraalkaa kaga hadlay Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex.

Waxaanu intaa raaciyay in hudheelada caasimadda ay wada shaqayn leeyihiin kana wada shaqeeyaan arrimaha ammaanka waxa qoraalkiisu uu ka hadlayayna ay ahayd arrimaha ammaanka.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka taleefanka xalay ku siiyay wargeyska Dawan.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay qoraalka uu u kala diray mulkiileyaasha hudheelada caasimadda Hargeysa iyo laamaha ammaanka,ayaa yidhi. “qoraalkaasi wuxuu ahaa qoraal ku saabsan arrimaha ammaanka hudheeladana wada shaqayn ayaa naga dhaxaysa oo in aanu nabad gelyada iska kaashano danteena ayaa ku jirta,waxaanay waraaqdaasi ka hadlaysay in la ogaado cidda dalka ku soo korodha ee hudheelada ku soo degta taas oo lagu adkaynayo arrimaha nabad gelyada,laakiin waxaa illaa shalay wad waday xisbiga WADDANI oo ka dhigayay qoraalkaas wax cid lagu cabudhinayo balse wax xisbiyo quseeya maaha xisbiyo aanu wax ka joojinayna ma jiraan oo xisbiyadu markasta way ku qabsadaan waxay doonayaan shirarka jaraa’idna mar walba way qabsadaan cid u diidday iyo cid iska hor taagtayna ma jirto, laakiin marka laga hadlo ammaanka ee nabad gelyada adkaynteeda laga shaqaynayo yaan laga dhigin in xisbiyo loo jeedo,asxaabta qaranku waxay ka mid yihiin kuwa aanu ammaankooda illaalinayno ee madaxdoodu hudheelada joogaan eenu ka illaalinayno cid kasta oo cadaw ku ah Somaliland,markaa waxaa looga baahan yahay xisbiyada laftoodu in ay ammaanka nagal shaqeeyaan laakiin in ay si kale u dhigaan maaha shaqada nabad gelyada lagu illaalinayo.”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi oo waraysi kooban taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply