Xukuumadda Oo Baaq Nabaddeed iyo Tallooyin u Jeedisay Beello Shaqaaqo Ku Dhex Martay Gobolka Sanaag

0
372

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday bulshada ku dhaqan deegaamada Gobolka Sanaag, gaar ahaan laba beellood oo ay shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay ku dhex martay deegaanka WAQDARIYA oo ka tirsan degmooyinka Bariga Gobolka Sanaag.

Wasiirrada Wasaaraddaha caddaaladda iyo dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax iyo Boos Mirre Maxamed oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa si qoto dheer ugu caqli celiyey hormuudka iyo dhaqanka beelaha xiisaddu dhex martay, kuwaasoo oo ay cod dheer ugu baaqeen in ay dabar adag u noqdaan xasilooni-darrada iyo khilaafka sababay iska-hor- imaadka hubaysan.

“Deegaanka wax ka dhaceen waxa ku nool ogaalkay dadka ugu fiican gobolka Sanaag oo walaalo ah, wada dhashay oo is ixtiraama oo aan u dhaqmin sidii dad beello beello ah ee u dhaqma sidii dad mid qudha ah. waxaan filayaa waxa soo dhexgalay masaalix yar, kaas ayaa shidada abuuraya oo dadkii dhagaxaan iyo waxbay baadhayaan oo dahab ayaa la raadinayaa, waxaana laga yaabaa waxa laysku hayaa in aanu dahab ahayn, markaa waxaan leeyahay waar yaan laysku layn waxaan la hubin wuxuu yahay.” Sidaasi waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Md. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax oo ugu horrayn shirka jaraa’id ka hadlay.

Wasiirka ayaa isagoo hadalkiisa sii wata intaasi raaciyey “Haddii Khayraad jiro ama macdani jirto waa Hanti qaran ee maaha in farogelin shacabku ku sameeyo waa in si nidaamsan xukuumaddu uga howlgashaa oo ay doorkeedii tahay ee shacbiga waxaan leeyahay ha inaga khasaaraynina ee aan isla sugno.”

Wasiir Cabdirisaaq waxa uu si gaar ah baaq ugu diray maamulka iyo madaxda dhaqanka ee gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Maamulka Gobolka, odayaasha Dhaqanka, waxgaradka iyo aqoonyahanka, waxaan leeyahay arrintaas waa in deg deg looga howl-galaa oo aanay intaa inagu dhaafin. maanta shiddo uma baahnin, gobolka Sanaag wuxuu ahaan jiray gobol lagu faanno xagga nabadgelyada, is-dhex galka, ilbaxnimada iyo xaddaarada ee waxaan leeyahay sidii loo dhaqmi jiray ee wanaagsanayd ha loo dhaqmo.”

Geestiisa, Boos Mirre Maxamed Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa isna ku taliyey in shaqaaqada dhacday lagu xaliyo sidii dhaqanka soo jireenka ah u ahayd bulshada walaalaha ah ee dhiig, dhaqan iyo dhul-wadaagta ah.

Wasiir Boos ayaa isagoo arrimahaasi ka hadlaya yidhi “Dagaaladii hore ee dibada ka dhici jiray waxaynu u lahayn dhaqan, tanna waxa weeyaan sidii si lamida in loo maamulo, xalayna (habeen hore) waa la wada hadalnay odayaasha labada dhinacba, waanay nala qaateen in waxaasi halkaa aanay dhaafin. shacbigana waxaan leeyahay waar Dhulkaad aragteen intaasoo meeloodbaa qof waliba ku soo hagaagayaan, waana ina deeqayaaye cida ku nooli nabad haku wada noolaato.”

Boos Mirre Maxamed waxa uu nasiib-darro weyn ku tilmaamay in dad walallo ahi isku dilaan waxaan sagaaro ka biirsan “Waa nasiib darro in dadkii kumanaanka sanno nabad ku wada noolaa ee isugu dhawaa ee isugu jeclaa in ay waxaan micno lahayn isku dilaan, iyagoo aan meel kala tegayn, waxaanu mar labaad iyo mar saddexaadba leenahay caqligu ha shaqeeyo” ayuu yidhi.

Hadalka masuuliyiintan ayaa ka dambeyey, kaddib markii maalintii Salaasada laba maleeshiyo beelleed ku dirireen dooxada WAQDARIYA oo sida la sheegay kamida meelaha ay dadka Macdan raadiska ahi ka qadhaabsadaan.

Inkasta oo aan si dhaba loo ogayn khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka labada maleeshiyo, haddana wararku waxa ay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawacba jiro, iyadoo ay xaaladu degenayd maalintii shalay, kaddib markii ay dad samo-talis ah iyo hogaamiyeyaasha dhaqanku u gurmadeen daminta colaadaasi.

 

Leave a Reply