Weftigii Golaha Guurtidda oo Kulan la Qaatay Maamulka iyo Waxgaradka Goraya Cawl

0
438

Qore Khadar M. Xaashi

Borama (Dawan) Golaha guurtidda Somaliland ayaa gobolka Awdal u diray wefti xildhibaano ah oo ka kooban 5 xubnood, oo xaqiiqo raadinta xaalada nololeed ee Min Tuulo ilaa Degmo ee gobolka Awdal.

Xildhibaanaddan ay golaha guurtidu direen oo uu hoggaaminayo xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan, waxaana xubno ka ah Xildhibaan Axmed Cali Aadan, Xildhibaan Axmed Daahir Jirde, Xildhibaan Axmed Maxamed Shide, Xildhibaan Axmed Yuusuf Sheekh Axmed, iyo xughayaha gudidaasi Khaalid Cabdi Maxamed.

Hadaba gudidan oo sameynayay kormeero indha indhayn ah iyo mid fool ka fool ah ayaa waxaa ay kulankoodii u horreeyay la qaateen maamulka iyo waxgaradka deegaanka Goraya Cawl ee degmadda Dilla, iyaga oo ka dhageystay warbixino la xidhiidha, arrimaha nabadgeliyadda, caafimaadka waxbarashada iyo beeraha.

Gudoomiyaha tuuladda Goraya-cawl mudane Aadan Nuuriye Rabiile ayaa mid mid isu dul taagay adeegyadda ka deegaan ahaan ay tebayaan waxaanu yidhi “Tuuladdu Biyo malaha oo meesha biyo noogu dhawi waxaa ay noo jirta 14-km, waa meeshaasi Jaakaha ah waxaa deegaanka ka dhisan laba Barkadood oo bilihii ugu horreeyayba aanu cabney, Balliyo ma lihin, caafimaadka waxaa halkan ka dhisan saddex qol oo yar yar, malaha qalab, daawana nalooma keeno, waxaa joogta hal gabadh oo Kal-kaaliso ah iyo gabadh Umulliso ah oo labadooduba ay tabarucaad noogu shaqeeyaan oo aanay wax mushahara qaadan, dawo ma jirto qalabna ma jiro haba yaraate, waxbarashadu waa saddex qol, waxaanu dawladda ka codsaneyna in naloo dhiso, iyo waliba dugsi sare, hadii aanu nahay guddoonka iyo odayaasha ma lihin xafiiskaliya oo aanu isugu nimaadno, iyo Rug Boolis midna marka dawladda waxaa aanu ka codsaneyna in naloo sameeyo meelihii maamulka, deegaanku dhanka nabad-geliyada boqolkiiba boqol waa nabadqab”

Maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Tuuladda Goraya-cawl ayaa sheegay in saddexda fasal ee dugsigooda ka maqan inuu culeys xooga ku hayo barayaasha dugsigaasi wax ka dhiga iyo ardayba waxaanu yidhi “Waxaa dugsigani dhigta arday dhan boqol iyo konton arday, fasalada noo dhisani waa shan qol, 1 ilaa ka 8-na waanu heynaa, halkaasi waxaa naga heysta culeys badhkood ayaa fasalada isku dhex dhigta Kow iyo Labaad, Saddexaad iyo Afraad, macalinkii waxbarayay dhib ayay ku tahay oo isaga oo saddexaadkii xiisad u leh ayuu labaadkiina dhex fadhiyaa, cashar gudbintii fasal isaga oo xiisad u wada kii kale ka aamusi maayo, saddexda fasal ee dugsiga hoose dhexe ka maqan in naloo dhiso ayaanu codsaneynaa”

“Waxaa weeyaan nin wal oo maanta qaangaadh ahi ama ka sarreeya ama ka weynba waxaa ku waajiba in nabadgeliyadda waxaa uu awood u hellayo ilaaliyo, una soo jeedo mar walbana sameeyo wacyigelin, taasina xeer ayaa nooga yaala oo guddiyadda ayaa loo diraa oo wixii ka hor imanayana waxaa loo dira beesha deegaanka taalla”

Gudoomiyaha gudidan golaha guurtidu u direen xaqiiqo raadinta xaaladda dhabta ah ee Tuulooyinka iyo degmooyinka gobolka Awdal xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan ayaa ugu bushaareeyay bulshadda tuuladda Goraya-cawl in ay fariintooda gaadhsiin doonaan hay’addaha ay khuseyso waxaanu yidhi “Waxaa weeye in aanu hoos wax u ogaano, oo aanu hoos wax u eegno, haddii aanu golaha guurtidda nahayna waxaa aanu xooga saarnaa nabadgelyadda, waanu ku dedaaleynaa in qodobadda aad sheegtay in ay deegaanka ka maqan yihiin in aanu gaadhsiino hay’addihi ku shaqada lahaa hadii ILLAAHEY yidhaaho”

 

Leave a Reply