Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Shir-guddoonka Baarlamaanka iyo Guddigii Hore ee Doorashooyinka

0
454

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay ku qaabilay xafiiskiisa guddidii doorashooyinka ee muddo-xileedkoodu dhammaaday iyo shir-guddoonka baarlamaanka.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay waaxda warfaafinta ee madaxtooyadda Somaliland waxaa madaxweynaha kulanka ku wehelinayay madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici).

Waxaana joogay guddoomiyeyaasha goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo ku-xigeenadoodda.

Kulankan dhex maray madaxweynaha iyo shir-guddoonka goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada iyo xubnaha Komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay in ay la xidhiidhay is-xog waraysi la xidhiidha sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay u guteen waajibaadkii qaran ee saarnaa u guteen.

Una qabteen guddiga doorashooyinku diiwaangelintii cod-bixiyeyaasha iyo doorashadii madaxtooyadda ee dalka ka dhacday dabayaaqadii sanadkii 2017-kii.

Xubnaha komishankii hore ee doorashooyinka ayaa madaxweynaha iyo shirguddoonka goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada uga mahad celiyey kulanka ay la qaateen.

Waxaanay tilmaameen in shaqadii ay soo qabteen ahayd masuuliyaddii loo igmaday iyo waajibaad qaran oo ay u guteen si Dastuuri ah.

Dhinaca kale guddigan doorashooyinka ee uu shalay madaxweyne Biixi sii sagootiyay ayaa muddo xileedkoodu ku eg yahay ama dhammaanaya 29 bishan aan ku jirno.

Iyadoo dhawaan la dhaariyay guddigii cusbaa ee bedeli lahaa komishankii hore.

 

Leave a Reply