Somaliland Oo Beenisay in ay Wax Iska Bedeleen Xidhiidhka ay la Leedahay Itoobiya

0
444

“Haba yaraatee wax iska bedelay xidhiidhkii hore ee Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeyay in aanu jirin ayaan idiin caddaynayaa”

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay in ay muddooyinkan danbe wax iska bedeleen xidhiidhkii iyo heshiisyadii ay hore u wada galeen dawladda Itoobiya.

Kadib markii warar ay baahiyeen qaar ka mida warbaahinta dalka Itoobiya ay ku sheegeen in uu xumaady xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa warkaasi ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin oo la buun-buuniyay.

Waxaanu sheegay haba yaraatee wax kala fogaanshiyo ama is diidmo ah iyo wax ka bedelmay xidhiidhkii hore aanu jirin, isla markaana xidhiidhkaasi dhinacyadda badan leh uu sidiisii yahay.

Waxaanu yidhi, “Warkiisu wuxuu ku saabsan yahay ama uu taabanayaa nuxurkiisu in uu jiro woxoogaa shaki ah, ama kala fogaanshiyo in uu ku jiro, heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Dhawr qodob ayuu taa-taabanayaa, oo ay ka mid tahay in Somaliland ay ka shakisan tahay siyaasadda uu ku socda ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Axmed.

Nabadgeliyadda xuduudku in aanay hagaagsanayn, in aad moodo in aanu Somaliland ra’iisal wasaaraha Itoobiya fogaynayo, oo wadamo kale iyo dalal kale iyo uu soo dhawaysanayo, oo uu iyada (Somaliland) ka saarayo meesha”.

“Haba yaraatee, wax kala fogaanshiyo ah iyo wax is diidmo ah iyo wax ka bedelmay xidhiidhkii hore, ee aadka u wanaagsanaa, ee Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeyay in aanu wax iska bedelay jirin ayaan idiin cadaynayaa” ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Wasiir Faratoon, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay shir dhawaan ay dalka Ereteriya ku yeesheen madaxweyneyaasha Soomaaliya, Ereteriya iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo la sheegay in lagu fogaynayay Somaliland. Waxaanu yidhi, “Waxyaabaha la mala-awaalay waxaa ka mida, in Itoobiya uu Abiy Axmed iyo madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Ereteriya, ay shir ku yeesheen dalka Ereteriya. Shirkaas ayay dad badani waxay u turjunteen in Somaliland lagaga saaray shirkaasi saddex geesoodka ahaa.

Waxaanay ka fikirin in mandaqadda Geeska Afrika Somaliland oo keliya kuma taallo, saddexdaas wadan oo keliya-na kuma yaalaan, wadamo badan oo kale ayaa ku yaalla. Wadamadaa kale shirka kamay qabyn gelin, saddexdaas wadan ayuun bay ahaayeen.

Wadamadu-na xaq bay u leeyihiin in ay danahoodda gaarka ah ka shiraan, muddo badan ayaa laga yaabaa in aanay xidhiidhadoodu wanaagsanayn, isku soo dhawaanshiyaha iyo isku imaatinka iyo is aragoodu, wax ceeb ah oo ku jiraa ma jiro”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Cidii ka masayraysaana, way khaldan tahay. Somaliland-na kama masayrin, wax saamayn ah oo ay is leedahay ama waxyeelo ah, oo ay is leedahay shirkaasi wuu idin gaadhsiinayaana ma jirin, dalalka Geeska Afrika ku yaalla ayaanay ka mid tahay.

Markaa ka saar, oo iyada fogee, ama yaanay ku yeelanin wax door ah. taasi way khaldan tahay. Waayo? cid ka saari kartaa ma jirto. cid Somaliland iska indho tiri karta jiritaankeedda iyo doorka ay ku leedahay ma jirto” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa uu sheegay in tallaabooyinka beryahan danbe aadka loo hadal hayo ee la xidhiidha in ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu midaynayo wadamadda mandaqadda ay soo dhawaynayaan.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Ra’’sal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaa inta badan la sheegaa in uu ka shaqaynayo isku soo dhawaan shiyaha dalalka ku yaalla mandaqadda Geeska Afrika.

arrintaa waan soo dhawaynaynaa, in ay dalalku isku xidhmaan, oo nabadi ka dhex dhacdo, la is ogolaado, la wada ganacsado, la is dhex galo, dadyawga iyo ummadaha walaalaha ah ee ku nool mandaqadda Geeska, in ay isku soo dhawaadaan, aad bay Somaliland u soo dhawaynaysaa”.

Dhinaca kale wasiirka oo wax laga waydiiyay in Somaliland ay dhinaceedda diyaar u tahay in la soo celiyo wadahadalkii u dhexeeyay Soomaaliya, ayaa sheegay in iyagu ay dhinacoodda mar kasta wadahadalka diyaar u yihiin.

Hase yeeshee, loo baahan yahay in marka hore laga heshiiyo qaabka iyo meesha la isugu imanayo wadahadalka. Waxaanu yidhi, “Taasi waxaanu ka jawaabaynaa marka ay timaado. Mar walba anagu wadahadal diyaar baanu u nahay.

Somaliland mawqifkeedu halkaas ayuu taagan yahay. Laakiin, qaabka lagu wadahadlayo iyo sida la isugu imanayo ayuun bay ku xidhan tahay”.

 

Leave a Reply