Wasakhowga Hawada Oo La Sheegay In Ay Sababi Karto Indho La’aan Dadka Qaar Soo Food Saarta

0
889

Daraasad cusub oo ay sameeyeen khubarro cilmibaadheyaal ah oo u dhashay wadanka Ingiriiska ayaa lagu sheegay natiijadii kasoo baxday in hawada maalinba maalinta ka dambaysa sii xumaanaysaa in ay keeni karto in dad badan oo wadamada ay hawadoodu wasakhowda ku indho beelaan hawadaas wasakhowday.

Khubarrada daraasadan samaysay ayaa sheegay in 6% in ka badan dadka ku nool wadamada ay hawadoodu wasakhowday ay halis ugu jiraan in ay indho beelaan, iyada oo ay soo food saari karto xaalad adag , sidoo kalena ay ku dhici karaan xanuunka loo yaqaano Glaucoma .

Xanuunkan Glaucoma  ayaa saamayn ku leh waqtigan ama laga helay 60 Milyan qof oo adduunka ku nool,kuwaas oo 10 kamid ahi ay gebi ahaanba indho beeleen,iyada oo xanuunkani waxyeelo kala duwan u geysto indhaha, ugu dambayna uu keeno waxyeelo soo gaadha Dareemeyaasha Indhaha , kaas oo ugu dambayn lumiya aragtida indhaha iyo in uu qofku wax arko.
cilmibaadheyaashan daraasada sameeyey ayaa rumaysan in Wasakhowga  hawadu uu sababi akro xanuuno ku dhaca xididada dhiigu maro ee indhaha iyo maskaxda taga, kuwaas oo xidhma , sidoo kalena keena waxyeelo soo gaadha Bu’da indhaha , kuwaas oo ay si toos ah u gasho Kimikada iyo waxyaalaha suntan ah ee Hawada wasakhowday ku jiraa.

Sida lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan , khubarradan daraasadda samaysay oo ka socday jaamacadda University College of London (UCL) ayaa intii ay cilmibaadhistan wadeen waxa ay  tijaabooyin ku sameeyeen 113,170 qof oo mutadawacnimo ugala qayb qaadanaayey daraasadan, kuwaas oo kasoo jeeda Dalka Ingiriiska, waxaanay tijaabo ku sameeyeen indhahooda , iyaga oo tijaabadaas soo bilaabay sannadkii 2006 ilaa 2010-kii.

 

Leave a Reply