Waxgaradka Deegaanka Tuli Cagaaran oo Farriin u Diray Xukuumadda

0
509

Qore Khadar M. Xaashi

Tuli (Dawan) Tuuladda Tuli Cagaaran waxaa ay deegaan ahaan hoos tagta degmadda Dila, waana deegaan ay ka maqan yihiin adeegyo mihiim u ah nolosha bini’aadamka sida, Biyaha, Caafimaadka, iyo gaadiidka gurmadka deg degga ah, iyo fasalada dugsiga ay ubadku wax uga dhigtaan oo aan dhameystirneyn, mana laha dugsi sare oo ay wax ka bartaan ubadka fasalka sideedaadka ka baxa.

Deegaankani malaha xafiis ay bulshadu ku kulanto, waxaana markii ay gaadheen xubnihii xaqiiqo raadinta ee golaha guurtiddu ay odayaashi iyo waxgaradkii ay goobtaasi kula kulmeen uu kulankoodu ka dhacay mid ka mida fasalada ay ardaydu wax ku bartaan oo wakhtigii nusa-saacaha loo baxayay ahaa.

Xog waran kadib waxaa ay mudanayaasha golaha guurtiddu dadkaasi ugu bushaareeyeen in wixii adeeg bixina ee ka maqan ay gaadhsiin doonaan laamaha kala duwan ee hay’addaha dawladda Somaliland.

Gudoomiyaha tuuladda Tuli Cagaaran Haaruun Maxamed Faarax (Good) ayaa ka faahfaahin ka bixiyay adeegyadda mihiimka ah ee ay tabayaan waxaanu yidhi “Golaha guurtidda ee na soo booqday aad ayaanu ugu niyadsanahay, xaaladda nabadgeliyaddu waa ay fiican tahay, beeraha cayayaan ayaa nagaga dhashay laakiin midho kolay waanu ka hellayna, biyahu waa caadi hase ahaate xaga caafimaadka aad iyo aad ayaanu uga liidanaa, ma lihin xarun caafimaad wax daawo ah ma heysano oo degmadda Dilla ayaa noogu dhaw, oo gaadiidkooda gurmadka deg degga ahi noo iman jireen imika waxaa aanu maqalay waxaa laga jaray kharashkii oo kireysta ayaa nalagu yidhaaha ama Boorama geysta, oo ama Dila ayaanu u qaadney ama Boorama, anigu mushar dawladeed ma qaato hadana dalkeyga iyo dadkeyga heegan ayaan u ahey, nabadgeliyaddana meel ha looga soo wada jeesto.

Ardaydu marka ay baxaan fasalka sideedaad waxaa noogu xiga Dila ama Boorama in ay tagaan taasi oo aanan xaasasba ku laheyn, ardaygu hadii uu Dila tagana Hutel u furani aanu jirin, marka waxaa aanu codsaneyna in dugsi sare na loo dhiso”

Maamule ku xigeenka dugsiga hoose dhexe ee deegaanka Tuli Cagaaran Khadar Aw Xasan Shirdoon ayaa mudanayaashi golaha guurtidda ee deegaankooda ku booqday ku adkeeyay in ay xukuumadda ka gaadhsiiso in ay u dhameystiraan fasalada ka maqan dugsigooda waxaanu yidhi “Dugsigani waxaa uu ka kooban yahay lix fasal, ardayda dhigata iyo fasalada ay wax ku bartaana waa ay kala badan yihiin, ilaa fasalka sideedaad ayaa ay ardaydu meeshan ka dhigtaan, suuliyadda oo iskuulka ku yar ayaa ka mida, garoonka carruurtu ay ku ciyaarto oo dhagxaan miidhana ayaa ka mida, wax dayr ah oo uu dugsigu leeyahayna ma jirto biyo malaha oo waxa wax laga suga waa roobka biyaha oo kaliya, habluhu mushahar gaara malaha oo macalimiinta qaarkood iyaguna waa bila mushahar”

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply