Joogtaynta Shirarka Ilaalinta Aminga iyo Kobcinta Nabdgelyada

0
669

Qore Daahir Maxamuud Xaddi

Waxa in muddo ah ka socda gobollaadda Awdal iyo Salal ee galbeedka Somaliland, shirar ku saabsan ilaalinta amniga iyo xoojijnta nabadgalyadda ee heerarka degmo iyo gobo lee deennadaasi.

Wacyigelinta iyo shirarka wada tashi heer degmo iyo gobolba, waxa si wadajir ah, uga qayb qalaya, madaxda qarranka, masuuliyiinta bulshada ee dhaqanka, waxgarradka, dhallinyarada iyo haweenka ee bulsho weynta jiidaasi.

Amniga iyo iimaanku waa tiirka labaad ee asaasiga ah ee diinteenna Islaamka. Sidoo kale, waxa uu Illaahay si gaar ah ugu nimceeyay ummaddeena Jamhuuriyadda Somaliland, hibada dhaqanka jacaylka, daryeelka nabadgelyadda.

Wafti ballaadhan oo uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylci), ayaa dhawaan qaybaha bulshada la wadaagay qorshaha joogtaynta ilaalinta amniga iyo daryeelka nabadgelayadda.

Waxa la isla gartay, inay nabadu tahay shay lama huraanu ah farxadda qofka, qoyska iyo caam ahaan jiritaanka ummadeed ee dalka, dadka danta guud iyo diinta Islaamak ee muqadaska ah.

Shirarka difaaca xaqa ah, ee Amniga iyo nabadgelyadda, waxaa lagu sheegay in la joogteeyo si loo dhanyahay, oo si hagar la’aan ah loo fuliyo, in koox dhuftada ee dhulo biiska iyo dhaqan doorrinta ku muraadsada lagaga hortago af iyo adin burobugaanada been abuurka ah ee ay fidinayaan.

Sida la hubo, nabaddu waa farxadda nolosha. Nabaddu waxay mabda’ ahaan, horseedaa kobcinta joogtada ah ee hiigsiga, qarannimo ee yooka mustaqbalka ee ah in ummadda reer Somaliland helaan nolol ku dhisan bash bash iyo barwaaqo.

Si kasta ha ahaatee, barnaamijka wacyigelinta iyo waxbarasho ee loogu baaqay si wadajir ah in ay muwaadinniinta ummada reer Somalilnad, waxa uu ku wajahan yahay guud ahaan, goob iyo gobol kasta oo uu ka kooban yahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo hoosta laga xarriiqay in hadal yar, hawl badan iyo dhago nuglaan ah lagaga midho dhalin karo.

 

 

 

Leave a Reply