Gudoomiyaha Baanka oo Sheegay In Shilinka iyo Maciishada Suuqa leys Waafajinayo

0
515

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland mudane Cali Jaamac Ibraahim Baqdaadi ayaa shaaca ka qaaday in ay isku sarjarayaan sarifka lacagta iyo meceeshada suuqa taala, kadib daraasadd ay ka sameeyeen magaalooyinka waa weyn ee gobolada dalka.

Sidoo kale gudoomiye Baqdaadi waxaa uu sheegay in uu qorshahoodu yahay in ay sanadka 2021-ka ay sarifka halka dollar ku ilaalin doonaan sideed kun iyo shan boqol oo shilinka Somaliland ah.

“Waxaa jiray bilihii June iyo July, iyo Mayba ee sanadkan cabasho ka imanayay bulshada oo tilmaamayay in aanay wada socon qiimaha dollarka lagu sarifo iyo maceeshaddu, hadaba si aanu taasi u hubino Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaa uu daraasadd ku sameeyay boqol iyo shan iyo labaatan meheradood oo ku kala yaala goboladda dalka iyo magaalooyinka waa weyn, meheradahaasi waxaa ay isugu jiraan Huteelo, Kaalmaha shidaalka, Iskuuladda, Cisbitaalada, Meheradaha shaaha laga cabo, waxaaney daraasadaasi cadeysay in boqol iyo lixdan meheradood ay ku iibiyaan sicirka dollarka ee suuqa oo ah sideed kun iyo shan boqol oo shilka Somaliland ah, halka boqolkiiba laba iyo sideetan meheradaha aanu soo marnay waxaa ay wax ku iibinayeen sicirka uu dollarku ka joogo suuqa, 35-ka meheradood ee soo hadhay una dhiganta boqolkiiba sideed iyo toban waxaa ay wax ku iibinayeen inta u dhaxeysa sideed kun iyo shan boqol ilaa sagaal kun iyo shan boqol.

Taasina waxaa ay meesha ka saartay hadalkii ahaa ma wada socdaan meheradaha iyo sicirka suuqa waxaa noo qorsheysan in Baanka dhexe halka dollar ku hayo sideed kun iyo shan boqoll, oo aanu marnaba gaadhi doonin sagaal kun oo shilin”

 

 

 

Leave a Reply