Waa Xuquuqdii Awoowyada!

0
462

Markii ugu horaysay taariikhda ayay dawladda Newzealand ku abaal marisay webi biyood dalkeeda ku yaal inuu yeesho xuquuq sharci oo la mid sida tan Aadmiga.

Halkaasi oo ay  ku nool yihiin qabiilada Wanganui ee hoos taga qabiilada Maori oo ah dadka asalka u lahaa dalkaasi , kuwaasi oo wabigan dhibaato badan kaga soo baxay oo aaminsan inuu ka mid yahay awooyadood hore.

Bishii March 15 March sanadkii 2017,  ayay wakiilada qabiilooyinkii ilmo faraxdeed indhahooda ka qubanaysay ka dib markii baarlamanka dalkaasi uu go’aankaasi ku dhawaaqay inuu leeyahay xuquuqda qofka oo kale.,” said Gerard Albert, chief negotiator of the Wanganui tribe

Gerard Albert oo ahaa madaxa wada hadalkan u metelayay qabiilada Wanganui ayaa sheegay in sababta ay ugu farxayaan tahay iyagoo og inuu webigani yahay awowgood, iyo weliba inay u mahad naqayaan barlamanka iyo dawladda sida ay u tixgeliyeen awowgood xuquuqdiisa oo ay muddo dheer raadinyeen. Webigan ayaa ka mid ah saddex webi ee dalkaasi ugu waaweyn midkood. Gerard Albert aya sheegay in qabiilkani sanadkii 1840 ay Ingiriiska kula heshiiyeen inuu Webiga markii Ingiriisku yimi ay qabiiladan ku hehiiyeen inay webigan uu aqoonsadaan awowgood.

 

Leave a Reply