Xikmadaha Maanta

0
1989
  • Si kasta oo duruuftu kugu adag tahay , marna ha niyad xumaan, waa iyada risaqaagu
  • Ma jecli shaqada, maaha in aad caajis tahay, waa marka ay shaqadu wadato werwer iyo walaac xoogan.
  • Si aad u noqoto qof libin gaadha, uma baahnid jidh dhisan iyo qurux, ee waxa aad u baahan tahay garaad fikir wax ku ool ah xambaarsan.
  • Guushu waa natiijooyin yaryar oo maalin kasta isa soo tara.
  • Sirta noloshu ma’aha in aad samayso waxa aad jeceshay, balse waa in aad jeceshay waxa aad qabanayso.
  • Karaamada iyo weynida qofka waxa lagu qiyaasaa, xadka uu diyaar u yahay in uu u naxariisto kuwa  khaladka sameeya.
  • Haddii aad caado ka dhigato in aad ka cadhooto wax kasta oo ku raalli gelin waaya, weligaa nolosha ku xasili maysid.
  • Khayrka minjo u noqo, laakiin weliga sharka madaxa ha u noqon.
  • Qofka oo cadhooda marka la canaantaa, waxay muujisa inuu xaq u lahaa canaantaa.
  • Marka aad taariikhda dib u raacdo waxa aad ogaanaysaa in runtu mar walba tahay mid aan la faafin.
  • La fadhiisodadka caqliga badan, xitaa haddii ay yihiin cadawgaaga, waayo caqligu caqliga ayuu la hadlaa.

 

 

Leave a Reply