Xughayaha Dawlada Hoose ee Caynabo oo Sheegay in Ay ku Guuleysteen in Meesha laga Saaro Dhuxuleysatadii

0
477

Qore Faysal Xiis Weerar (Af-gaab)

Caynaba (Dawan) Xoghayaha dawladda hoose ee Caynabo mudane Cumar Maxamuud Muuse ayaa shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan cidkasta oo maalgashi ka sameysaneysa degmadd Caynabo ee xarunta gobolka Saraar.

Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in ku dhawaad toban kun oo qoys oo abaarihii ku barakacay ay ka degmo ahaan culeys ku hayaan.

Sidoo kale xoghaye Cumar waxaa uu tilmaamay in ay dhiseen xarunta dawladda hoose ee degmadda Caynabo kadib markii ay dumiyeen roobabkii Gu’ga, islamarkaana ay qorshaha ugu jirto dayactirka iyo dhismaha fagaaraha Kheyriyada ee degmadaasi, waxaanu sidan ka sheegay wareysi uu khadka telefoonka ku siiyay wargeyska Dawan.

Cumar Maxamuud Muuse xoghayaha dawlada hoose ee degmadda Caynaba ugu horreyn isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Horumarka degmaddu si fiican ayuu u socda, haday tahay dhankii nadaafadii, horumarkii, dhulka kala hagaajintiisi iyo qorsheyntiisi, shaqaalihii iyo adeegyadiisi bulshadda waa uu shaqeynaya markasta arrimaha nabadgeliyadduna waa boqolkiiba boqol, wixii dhul iyo waxaasi isku qabsadana waanu kala saarnaa, wixii gobolka maalgashanaya ama meel kale ka yimaada waanu soo dhaweyneynaa ama iskaashatooyinka, degmadda biyaha macaan ayaa ku cidhiidhiya waxaana noo qorsheysan in aanu ku dadaalno in biyo macaan aanu sameyno, in wadada gudaha magaalada Caynaba dhexmarta aanu sameyno iyo waxka qabashada kheyriyadda.”

Xoghayuhu waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay sannadkan dhammaanaya, waxaanu yidhi “Waxqabadka sannadkan dhammaaday degmadu xarun weyn ayay leedahay oo 12-qol ah iyo laba hool oo waa weyn, roobabkii Gu’gii dhaweyd ayaa cagta mariyay looxaantii iyo wixii hayay oo dhammi dhulka ayay qabteen oo uu roobkii geliyey, xaruntii kale ee Kheyriyadiina waxaa burburiyay dabeylihii iyo roobabkii ina dhaafay, xaruntii dawlada hoose iyadda dhammaanteed waanu wada dhisney dawlada hoose ayaana qabatay waxaana gacan naga siisay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland waaney dhan tahay oo waa qalabeysan tahay hada oo waa lagu shaqeeya”

Sidoo kale xoghayaha dawlada hoose ee degmadda Caynaba mudane Cumar Maxamuud waxaa uu sheegay in Kabkii xukuumadda dhexe ay ka qaadan jireen ay ka iibsadeen Cagaf Cagaf weyn isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Kabkii aanu ka qaadan jirnay xukuumadda dhexe waxa aanu ka iibsaney Cagaf Sheewala waxaaney nagu tagtay qadar lacageed oo dhan 50-kun oo dollar, Sheewashaasi hada waa ay shaqeyneysaa , taasi oo lagaga shaqeeyo ama xashiish ha ahaato, ama dhul baneyn ha ahaato, deegaanada nagu dhaw dhawna waxbaanu ugu qabanaa, adeegyadii kale ee arrimaha bulshadduna waa ay hareero socdaan”

“Degmadda ilaa toban kun oo qoys ayaa jooga oo barakacayaala oo Kaamamka jooga, waxaana ugu weyn Kaamka degmadda Caynaba oo laba meelood oo Bari iyo Galbeeda ay ka degan yihiin degmooyinka kale ee gobolkana waa ay degan yihiin, Caynaba oo kale waxaa degan lix kun oo qoys kuwaasi oo dadkii xooluhu ka baxeena oo waa culeys aad u weyn oo dhankii waxbarashada iyo cunadoodiiba ay maamulka degmadda heysato, dawladdu kama gacan la’a oo waxba loo tuurtuura oo NGO-yada hay’addaha madax bannaan intuba gacan ayay ka geystaan, dad badani waa ay soo kabteen oo dhanka waxbarashadana waa laga Kaaba, dadku sidii ay u kala fiicnaayeen markii ay taageero heleen xoolahoodii ayay ku noqdeen”Ayuu yidhi xughayaha dawlada hoose ee degmadda Caynaba mudane Cumar Maxamuud Muuse.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in lagu guuleystay in laga suuliyo dhuxuleysatadii deegaanka farraha baas ku heysay waxaanu yidhi “Xaga Dhuxuleysiga dhibaato badan ayaa naga soo gaadhay wakhtigii abaartii, hase ahaate inteeda badan imika waa ay joogsatay, laba arrina ayaana u sabab ahaa in dadkii ay abaartii ka soo kabteen iyo hawlgalo fara badan oo ay sameeyeen ciidamada boolisku waxaaney badi dadkii Dhuxuleysatadda ahaa isu badaleen kuwa Macdanta baadha, waxaana in Dhuxuleysatadii meesha ka baxdo sabab u ahaa taliyaha ciidanka Booliska ee degmadda Caynaba Xasan Gacma-yare iyo wasaaradda deegaanka maamulka gobolka iyo ka deegaankaba iyo waxgaradka kale ee deegaanka oo inta qaylinayay waana lagu guuleystay arintaasi, wax laga qabtay ma jirto dhulka beeraha ku wanaagsan ee degmadda Caynaba, caqabadaha na heystana waxaa ugu weyn qalab la’aan, cagafyo dhullka lagu qodo ma heysano dhulkuna marka uu dhul cusub yahay caganta waxba lagagama soo saari karo, wixii dooxooyinkaasi iyo beerahaasi ka faa’ideysanlaha qalab la’aan ayay waxba u qabsan laayihiin”

 

Leave a Reply