Maamulka Gobolka Sool Oo Shir La Qaatay Isu-duweyaasha Wasaarradaha Dawladda

0
513

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool ayaa kulankii todobaad laha ahaa la yeeshay isu-duweyaasha wasaarradaha dawladda ee gobolkaasi.

Waxaana badhasaabka kulankaasi ku wehelinayay badhasaab ku-xigeenka gobolka, waxaana shirkaasi diiradda lagu saaray waxqabadka isu-duweyaasha iyo waxyaabaha horumarka ah ee ay ku tallaabsadeen.

Isu-duweyaashii shirk aka qayb galay ayaa badhasaabka uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay wasaarradahoodda sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka iyo waxyaabaha u qorshaysan.

C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Sool oo gebagabadii shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa mahad celiyay isu-duweyaasha wasaarradaha dawladda ee kulanka ka soo qayb galay.

Waxaanu sheegay in u jeedadda kulankaasi ay ahayd sidii ay isu-duweyaashu uga warbixin lahaayeen waxyaabaha u qabsoomay sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka, isla markaana sharaxaan waxyaabaha u qorshaysan sanadka soo socda.

“Waxyaabihii aan shirkan ku gorfaynaynay waxaa ka mida, maadaama oo sanadkan 2019-ka uu gebagebo ku jiro, in sanadkan la ogaado halka la marayo iyo qiimayn.

Halkuu taagan yahay waxqabadku, maxaa inoo hadhay? Halkee ayaan rabnaa in sanadkan 2020-ka uu inoogu dhasho? Maxaynu hiigsanaynaa? Himiladeenu maxay tahay? Maxaa inoo qabsoomay?”ayuu yidhi badhasaabku.

C/qani Jiidhe, ayaa ka warbixiyay tallaabooyinka dhinaca nabadgeliaydda la xidhiidha ee u hirgalay sanadkan. Waxaanu isu-duweyaasha kula dar-daarmay in ay halkaa ka sii wadaan hawlaha ay qaranka uga masuulka yihiin.

Waxaanu yidhi, “Runtii haddii aan nabadgeliyadda guud ka waramo, sanadkan 2019-ka gobolka Sool waxaynu u qaadanay sanadkii nabadda iyo horumarka.

Kelmadaasi ayaa astaan inoo ahayd. ILLAAHAYNA SWT waxaan ka baryayaa in uu nabadaa iyo horumarkaa inoo sii xoojiyo.

Isu-duweyaashana waxaan ka codsanayaa ama kula talinayaa, in ay shaqadoodda halkaa ka sii laban-laabaan. Dalka inaga ayaa dad u ah ragg iyo dumarba. Nabadgeliyadda degaankeenana xoojino, degaankeenana ka shaqaysano”.

Sidoo kale badhasaabka ayaa si gaara uga codsaday isu-duwaha wasaaradda gaadiidka in ay baabuurta dawladda ee gobolka ay ka muuqdaan astaamaha dawladda jamhuuriyadda Somaliland.

“isu-duwaha wasaaradda gaadiidka iyo jidadka, waxaan ka codsanayaa in astaamihii qaranka, gaadiidka dawladda cidii leh ay ka muuqato, oo astaanta qaranka la muujiyo mar kastaba” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Geesta kale badhasaabka ku-xigeenka gobolka Sool Saleebaan Diiriye, ayaa isna halkaas ka hadlay waxaanu ka warbixiyay u jeedadda shirkaasi.

Waxaanu yidhi, “Shirkani wuxuu ahaa shir muhiim ah, iyadoo todobaadkiiba hal mar aynu hore u qaban jirnay. Hadana maanta (shalay) wuxuu aad muhiim ugu sii yahay, iyadoo isu-duwe waliba uu soo bandhigayo waxyaabaha u qabsoomay.

Waxa kaloo iya-na muhiim ah, maadaama oo sanadkan 2019-ka uu sii dhamaanayo in la ogaado sanadkii tegay iyo ka soo socda wax walba la jaan-qaadkiisa iyo waxqabadkiisii si ay u kala sugmaan”.

Dhinaca kale Xamda Xasan Cige, isu-duwaha wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda ee gobolka Sool oo shirkaasi kaga warbixisay waxyaabaha u qabsoomay ayaa sheegtay in kulamo lagaga hadlayay tacadiyadda ka dhanka ah haweenka ay u qabteen bulshadda gobolka.

“Haddii aan soo koobo, waxaan qabanay sanadkan sii dhamaanaya, kulamo lagaga hadlayay tacadiyadda ka dhanka ah haweenka. Kaasoo lagaga wacyigelinayay dhamaanba bulshadda gobolka Sool sidii loo joojin lahaa tacadiyadda ka dhanka ah haweenka.

Sidoo kale wasaaradu waxay hirgelisay mashruuc lagu caawinayay dadka reer Baadiyaha ah, kuwaasoo la siinayo lacago ay qadarkoodu kala duwan yihiin”ayay tidhi Xamda Xasan Cige.

Leave a Reply