Golaha Guurtidda oo Ansixiyay Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka

0
492

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Golaha guurtidda Somaliland ayaa ansixiyay xeerka ismaamulka goboladda iyo degmooyinka dalka, kaasi oo 16-qodob oo ka mida wax ka badel iyo kaabis lagu sameeyay xeerkan oo golaha dood adag ka dhex dhaliyay ayaa loo saaray guddi soo naaqishta, taasi oo ah ta imika lagu ansixiyay.

Sidoo kale Golaha Guurtida Somaliland ayaa degmooyinka Caynaba, Balli-gubadle iyo Taleex, u dallacsiiyay derejeda “B” kadib markii ay wax ka beddel iyo kaabis ku sameeyay xeerka maamulka degmooyinka iyo dawladaha hoose, degmooyinkan ayaa hore u ahaa darajada ‘C’.

Dhanka kale xasaanada mudanayaasha golayaasha deegaanka oo uu hore xeerku xasaanada uga qaaday ayay sideedi ku soo celiyeen.

Habada guddidi loo xilsaaray xeerkan mudada badan horyaalay golaha guurtidda ayaa warbixinta codka loogu qaaday siiyay fadhigiii shalay ee golahaasi kaasi oo ay ka soo xaadireen 59-mudane oo ka mida 82-ka xildhibaan ee golahaasi.

Gudoomiyaha golaha guurtidda Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku dhawaaqay tiradda mudanayaasha u codeeyay xeerka maamulka goboladda iyo degmooyinka dalka waxaanu yidhi “Sagaal iyo konton beynu ku joognaa, sideed iyo konton waa ogolaadeen ana maan codeyn sidaasi ayuu ansax ku yahay guddida iyo goluhuba aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin”

 

 

 

Leave a Reply