Kooxda Kubbadda Cagta Gaashaan Sool Star Oo Laascaanood Lagu Soo Dhaweeyay

0
460

Laascaanood (Dawan): Waxaa shalay si balaadhan magaaladda Laascaanood loogu soo dhaweeyay kooxda Kubbadda cagta Gaashaan (Sool star) oo ciyaar saaxiibtimo magaaladda Jig-jiga kula soo yeeshay koox ku ciyaaraysay magaca Jig-jiga.

Waxaana soo dhawaynta kooxda gaashaan Sool star oo ku ciyaarta magaca ciidamadda qaranka Somaliland ka qayb qaatay maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood iyo dadweyne aad u badan.

Kooxda Gaashaan ayaa guul ka soo hooyay ciyaartii dhex martay kooxda ku ciyaaraysay magaca magaaladda Jig-jiga, iyadoo ciyaartaasi saaxiibtinimo ka dhacday isla Jig-jiga.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ka qayb qaatay soo dhawaynta kooxdaasi ayaa ku amaanay guusha ay ka soo hooyeen ciyaartii ay la soo yeesheen kooxdii ku ciyaaraysay magaca Jig-jiga.

Badhasaabka ayaa u mahad celiyay hay’adda wadaniga ah ee SVO oo mujisay runtii dhirigelinta dhalintaasi ciyaartooyga ah iyo taliya ciidanka qaranka Nuux Ismaciil Taani, oo isna qarameeyay kooxda gaashaan Sool star.

“Waxaan isugu nimid in aan soo dhawayno kooxda Sool star gaashaan, oo ahayd kooxdii koobkii ciyaaraha kooxaha gobolka Sool ee sanadkan koobka qaaday ee ku guulaysatay. Kooxdan waxaan leeyahay waxaad muujiyeen hal-yeeynimo, waxaad muujiseen waayo-aragnimo, waxaad muujiseen ciyaar wanaagsan.

Waxaanad sharaf u soo hooyseen gobolka Sool, waxaad sharaf u soo hoyseen jamhuuriyadda Somaliland, idinkoo la soo ciyaaray kooxda dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya caasimadiisa Jig-jiga.

Waxaad metelayseen qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo dhan. Waxaad metelayseen ciidanka qaranka, waxa kaloo aad metelayseen gobolka Sool.

Guul baan idiin rejaynayaa in aad ku noolaataan. Gaar ahaan waxaan aad ugu mahad naqayaa taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, runtii war farxad leh ayaa nooga soo yeedhay”.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxyaabaha koobka laga faa’iido waxaa ka mida in maanta si toosa, idinkoon cidnaba baryaynin aad u qaramaysan tihiin. Weliba xafiis dhan oo idinku aad leedihiin kooxdiinani, oo ciidanka qaranka ka tirsan ayaanu codsanaynaa in la idiin sameeyo”.

Geesta kale waxaa halkaas hadal ka jeediyay maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo ku bogaadiyay guusha ay keeneen kooxda gaashaan Sool Star.

Waxaanu yidhi, “Waanu soo dhawaynaynaa kooxda FC gaashaan Sool star, oo ka soo kcitimay magaaladda Jig-jga, soona maray Hargaysa, Berbera, Burco iyo Caynaba. Intaabana waa lagu soo dhaweeyay. Maanta-na (shalay) lagu soo dhaweeyay Laascaanood.

Kooxdani waxay ciyaar saaxiibtinimo kaga qayb galeen magaaladda Jig-jiga, ciyaartaasi oo ay ka soo hooyeen guul. Waxaanan leenahay soo dhawaadda, qalbi furan, gacmo furan, weji furan baad ku soo dhawaanaysaan”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Kooxdani waxay metelaysa degmadda Laascaanood, waxay metelayeen guud ahaan gobolka Sool, waxay metelayeen goboladda Bari ee Somaliland, waxay metelayeen guud ahaan jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

Leave a Reply