Waxaad Noqon Doonta Maalqabeen !

0
505

Shirkadda PepsiCo ee xarunteedu tahay Newyork  ayaa dhamaan warbaahinta dalka Filibin sida wargeysyada, Idaacadaha iyo Tv ku baahisay eryo kooban oo ah “ Maanta waxaad noqon kartaa maalqabeen” sanadkii 1993.

Habeenkii 25 May ee sanadkaasi ayay warbaahintu cadaysay in qof ka hela quraaradda uu furkeeda ku qoran yahay  No: 349 uu heli doono lacag dhan , oo ah hal malyuun oo lacagta dalkaasi ah,  iyadoo cashuurtiina laga dhaafay.

Qofka kasta oo dalkaasi ku nool wuxu bilaabay inuu cabo pepsi maalin kasta si uu helo nasiibka quraaradda uu furkeedu yahay 349.

Islaanta  Victoria Angelo oo ahaa qoys sabool ah oo kooban 5 caruur oo ay dhashay iyo ninkeeda kuna jira guri cariish, halka nolol maalmeedkana ay helaan dakhli aad u yar oo ka soo gala bajaaj ay kireeyan ayaa bilaabay inay wakhti kasta cabaan Pepsi si ay u helaan nasiibka furkaasi.

Habeenkii danbe ayay islaantu markii ay quraaradii ay furtay quraaradii  furkeedii ka heshay numbarkii 349 , markaas ayay kor u qaylisay iyadoo farxsan oo tidhi :” waxaynu noqonay maalqabeen, caruurtaydu markay dhameeyaan dugsiga sare waxaan geynayaa jaamacado qaali ah, ninkayga bajaajta saddexda lugood leh ku daalayna waxaan u iibinaya gaadhi xamuul oo weyn, waxaynu iibsan doona guri weyn, carshiikana waan ka bixi doona”.

Laakiin riyada Islaanta ayaa been noqotay muddo yar ka dib markii shirkadda PepsiCo ee fadhigedu yahay Newyork ay ku dhawaaqday inuu dhacay mid ka mid ah khaladka xayaysiida ugu xun dunida kaasi oo ah in khalad madbaci ah la sameeyay ka dib markii numberka 349 ay ku daabacan yihiin 800 kun oo quraarood taasi oo si kama’ ah u dhacday, isla markaana la baabiiyay bakhtiya nasiibakaasi madaama tirada dadku badan tahay. Dadka dalkaasi degan aya mudahaarado sameeyay iyago dlabanayay in lacagtoodii loo soo celiyo. Pepsi ayaa wakhtigaasi aad u faa’iiday ka dib markii suuqa iibkeedu uu  kor u kacay 40%. Inkasta oo ay khasaare ka soo gaadhay mudahaaraadkii dadku sameeyeen, iyo weliba wakhtiga ka dib oo suuqeedu iibka ku yaraaday.  (newspapers.com)

 

Leave a Reply