Wasiir ku Xigeenkii Hore ee Maaliyadda Xilkii Wareejiyay

0
260

Qore Khadar M. Dhako.

Hargaysa (Dawan)- Wasiiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Maaliyadda Somaliland Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Dhagawayne ayaa xilkii si rasmi ah ugu wareejiyay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire.

Munaasibadda Xil Wareejinta oo shalay lagu Qabtay Xarunta Wasaarada Horumarinta Maaliyadda ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Maaliyadda Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud, Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaarada Maaliyadda.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in Wasiir ku Xigeenkii hore ee Maliyadda uu ahaa shakhsi Shaqo Wanaagsan. waxaana uu yidhi “Waxa uu ahaa Nin aad iyo aad u Shaqo Wanaagsan runtii oo culays badan aniga iga dul qaaday, maadaama oo aan anigu mashquul ahaa kaalin wayn ayuu ka Ciyaaray dajintii aynu ka wada xaajoonaynay Misaaniyadda Sannadka 2019 ka ee Hay’adaha Dawalada. Waxaana uu ka qayb qaatay fulinta Mashruuca PFM ka, muddadaa aanu wada Shaqaynay waxa uu ahaa Shakhsiyad aad u akhlaaq badan oo runtii wada shaqayn leh oo aanan arkin qof ay isku dhaceen muddadaa, waxaana aan u rajaynayaa Shaqadii Wanaagsad ee uu Wasaarada Maaliyaadda ka qabtay mid la mida in uu qaban doono ayaan u rajaynayaa”.

Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Horumrinta Maaliyadda Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Dhagawayne oo halkaas ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay si wanaagsan u soo wada Shaqeeyeen Wasiirka Maaliyadda. Waxaana uu yidhi “Si waanagsan ayaanu u soo wada Shaqaynay Wasiirka Wasaarada Maaliyadda iyo Shaqaale waynaha Wasaarada Maaliyadda wax badana waan ka bartay mudadii aan joogay Wasaarada, waana wasiir masuula oo dulqaad leh, waxaana aan isleeyahay waa wasiirkii ay u baahnad Wasarada Maaliyadda Sacad Cali Shire”.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Maliyadda Maxamed Cabdi Gurxan ayaa ku ammaanay Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Maaliyadda muddadii uu xilka hayay, sidii uu uga soo qayb qaatay socodsiinta shaqada Wasaarada Maaliyadda. waxaana uu yidhi “Waxa aanu ka Markhaati ka caynaa in uu ahaa shakhsi hawl socod siinta hawlaha Wasaarada Maaliyadda iga Taageeri jiray iyo Barnaamijka BFM ka Socodsiintiisa, iyo Xidhiidhka guud ee Wasaarada Maaliyadda la leedahay Hay’adaha Dawlada”.

Leave a Reply