Badhasaabka Sool Oo Ka Hadlay Bandiga Carwadda Buugaagta Laascaanood

0
439

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool ayaa ka hadlay bandhiga carwadda buugaagta ee Laascaanood oo la filayo in ay tobanka bishan ka furanto magaaladda Laascaanood.

Waxaanu badhasaabku hay’adda wadaniga ah ee SFO uga mahad celiyay qaban qaabadda iyo qabashadda carwadaasi.

Waxaanu ugu baaqay bulshadda gobolka Sool in ay soo dhaweeyaan martida imanaysa bandhigaasi iyo dhinaca amniga, isagoo xusay in bandhiga carwadaasi uu sumcad weyn u keenayo gobolka.

C/qani Maxamuud Jiidhe, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa arrin sumcad weyn iyo horumar u keenaysa ku tilmaamay bandhiga buugaagta ee Laascaanood lagu qabanayo.

“Waxaa sumcad weyn iyo horumar iyo wanaag ku ah, nabdhiga Laascaanood book fair. bandhigaasi oo magaaladda Laascaanood lagu qabanayo. Waan u mahad celinayaa hay’adda SFO, oo hawshaa soo qaban qaabisay.

Anagu maamul ahaan 45 maalmood ka hor ayaanu ka shirnay, oo xafiiska maamulka gobolka Sool inta aanu isugu nimid, sidii ayaanan heegan ugu nahay oo aanu ugu taagan nahay” ayuu yidhi badhasaabku.

C/qani jiidhe, ayaa baaq u diray bulshadda gobolka Sool oo uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii bandhigaasi uu u noqon lahaa mid qurux badan oo dadka martida ah ee yimaadaa ay waxyaabo badan kala noqdaan.

Waxaanu yidhi, “Dadweynaha ku dhaqan gobolka Sool, gaar ahaana magaaladda Laascaanood waxaan ka codsanayaa in ay bandhiga buugaagta, oo dadku aad u xiisaynayaan, in aad loo soo dhaweeyo martidda inoo iman doonta. akhristeyaasha, qoreyaasha iyo cid kastoo iman doonta bandhigaasi.

Dadka maanta Laascaanood yimaadaa aragti ayay la noqonayaan. Markaa dadka degaanka waxaan baaq ugu dirayaa in ay hawshaas nagala shaqeeyaan. Haddii ay nabadgeliyo tahay ay nagala shaqeeyaan, haddii ay soo dhawayn tahay, iyo haddii ay dedaal tahayba ay nagala shaqeeyaan”.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waana ta maanta dhashay in horumarkii uu gobolka ku soo ifayo, oo maanta aynu marayno in hay’adihii caalamku-na ay imanayaan. Haddii ay caafimaad noqoto, haddii ay waxbarasho noqoto, xoog la saaray. imika-na dadkii qoreyaasha ahaa iyo suugaan yahanadii, ayaa imanaya bandhigaasi.

Dhinaca kale badhasaabku waxa kaloo uu sheegay in bandhiga buugaagta ee Laascaanood uu ka duwan yahay bandhigyadda lagu qabto magaalooyinka kale ee dalka, isla markaana uu ka kooban yahay dhawr qaybood.

“Bandhigan buugaagta ee Laascaanood, wax badan ayuu kaga duwan yahay bandhigyadda magaalooyinka kale ee dalka Somaliland lagu qabto. Kan akhriska waxaa dheer dhaqankii. Markaa waa laba xubnood oo isa saaran.

In dad abwaanno ah, oo ILLAAHAY SWTA xikmad siiyay, oo buugaag badan qoray, ay iyagu-na ka soo qayb galaan iyo dhaqankiina uu garab socdo iyo dad kaloo badan ayaan rejaynaynaa” ayuu yidhi badhasaabku.

 

 

Leave a Reply