Safiirka JSL ee Faransiiska oo Dalka Morocco kaga Qeybgalay Shirweyne Caalami ah

0
522

Hargeysa (Dawan):- Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Fransiiska Danjire Cali Xassan Ismaaciil ayaa shaaca ka qaaday in muhiimada koowaad ee ku jirta ka qeybgalka Shirweynaha Rugaha Ganagsigu yahay in waddamadda ku bahoobbay ay fahmaan lana macaamilaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska Danjire Cali Xassan oo lagu casuumay shirweynahii 45 ee Rugaha Ganacsiga Wadamadda Af Faransiiska ku hadla oo Somaliland xubin sharafeed loogu aqoonsaday sannadkii hore oo xogta kulanka soo gaadhsiiyey Telifishanka Qaranka iyo Wargeyska Dawan ayaa sheegay in dalkeenu ka heli karo faa’iidooyin dhinacyo kala duwan ah, mar uu ka hadlayey waxuu sheegay, “Faa’iidada ugu jirta xubinimada Ururkan Rugaha Ganacsiga iyo ka qeybgalka shirweynahan Somaliland oo ah dal ictiraaf caalami ah raadinaya, waxay u sahlaysaa in wadamadda ku bahoobay ogaadaan in dal Jamhuuriyadda Somaliland la yidhaahdo jiro, wada shaqeyna dhexmarto.”

Safiir Cali oo ka sii hadlayey mowduucyada lagu falanqeeyey shirweynahan oo muddo saddex maalmood 4-6 bishan ka dhacay dalka Morocco ayaa raaciyey, iyo hadafka ka qeybgalka ee Somaliland ayaa yidhi, “Midowga Yurub mashaariic ay kula tacaasho la dagaalanka Tahriibka, oo la yidhaahdo dib-u-xirfadeyn, sannadkii hore waxay maalgeliyeen wadammo badan oo qaarada Afrika ka tirsan, balse sannadkan waxa qorshayhu yahay in maalgelinta loo soo jeediyo wadamadda Barriga Afrika, markaa waxaan ka shaqeynaynaa in Jamhuuriyadda Somaliland qeyb ka noqoto wadamadda ka faa’iidaysta maalgelintaa, waxtarna u yeesha dhalinyarada dalka.”

Ka qeybgalka Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska Amb Cali shirweynahan caalamiga ee dalka Morocco ayaa muujinaya qaangaadh-nimadda dublamaasiyadda Somaliland ee gudaha dalka Faransiiska, oo weli aanay gaadhin dhigiisa caalamka u fadhiya Somaliland.

 

Leave a Reply