Gudoomiyaha Gobolka Sanaag oo ka Hadlay Roob Duufaan iyo Dabeylo Wata oo Dumiyay Guryo Badan

0
856

Qore Khadar M. Xaashi

Ceerigaabo (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Sanaag mudane Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro, oo meel fagaare ah kala hadlay bulshada kala duwan ee magaalada Ceerigaabo ayaa ugu baaqay in loo baahan yahay gurmadd deg degga, oo lagu taageerayo dadkii ay waxyeeladdu ka soo gaadhay roobab duufaano watay oo maalmihii u danbeeyay ka da’ayay gobolka Sanaag iyo degmooyinka hoos yimaada.

Sidoo kale waxaa uu badhasaab Tiinbaro xusay in roobka duufaanta iyo dabeylaha watay ee ka da’ay gobolka Sanaag uu guryo badan dumiyay, islamarkaana bulshadii ku nooleyd ay kaliya nafahoodii kala carareen, waxaanu xukuumadda talada dalka heysa iyo hay’addaha madaxa bannaanba ugu baaqay in gurmad loo fidiyo dadkaasi uu khasaarahu soo gaadhay.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag mudane Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Xeebaheena waxaa ka da’ay roob xoogle, duufaanle khasaare badana geystay wax dhimasho ah ilaa hada ma heyno, marka laga reebo hal gabadha oo sida la sheegay uu daadku qaaday, iyada iyo xoolaheedii ‘Aamina Saleebaan Xuseen’ ayaa la yidhaahaba la yidhi, dhinaca Waqooyi ayuu ku qaaday.

Dhibaatada uu geystay waxaa ugu weyn guryihii ayuu dumiyay, dadkiina iyaga oo kaliya ayaa naftoodi kala baxay, waxaa uu dumiyay Ceelashi Biyaha, oo maanta ceel biyood kaliya oo biya laga darsanaya ma jiro, laba maalmood in dadku biyaha yar ee meelahaasi ku soo hadhay waxaa laga yaaba in ay sii isticmaalaan se gurmad biyood ayaa loo baahan yahay”

Gudoomiye Tiimbaro isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay in bulshadaasi ay gar-gaar u fidiyaan xukuumadda iyo hay’addaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga aheyniba waxaanu yidhi “Waxaa ugu sii darani waa dhaxanta anu guryihii ku qadh-qadhnay qofka bannaan ugu baxay maxaad u maleyneysaan, xukuumadda iyo hay’addahaba baaq ayaanu u dirnay, laakiin gobolkasta iyo degmo kasta iyaddu heys abaabusho oo wixii karaankeena ah ee Baco, Hoy, iyo Cunoba ah in aynu ka gobol ahaan inagu iska urrurino, waxaa aad baxsataana waa sahay ku horeeya, dadkiina wax heystaana isaga oo aan qofna la xukumeyn waxaa aynu u baahanahay gurmad deg degga, anagu ka gobol ahaan wixii aanu gurmadkaasi ku darsaneyno inta ay wax ina soo gaadhayaan waanu ku darsaneynaa”

 

 

 

 

Leave a Reply