Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Soo Kormeeray Mashaariic Ay Fulinayso Dawlada Hoose ee Burco

0
538

Qore Xabiib Cigge

Burco (Dawan)- Madaxweyne kuxigeenka jamhuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wafti wasiiro ah oo uu hogaaminayo ayaa shalay soo gaadhay magaalada Burco, waxaanu madaxweyne ku xigeenku soo kormeeray mashaariic ay wada fulinayaan Dawlada hoose ee Burco oo gacan ka helaysa mashruuca maamul daadajinta Dawlada Hoose ee (JPLG) oo uu madaxweyne kuxigeenku gadhwadeen ka yahay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay wehelinayaan Maamulka Gobolka Togdheer iyo Masuuliyiinta Dawlada Hoose ee Burco ayaa ugu horeyn dhagax dhigay xarunta cusub ee ay yeelan doonaan Ciidamada Dam-damiska Burco,

Waxaana halkaasi waftida madaxweyne xigeenku Warbixin kaga dhegaysteen Taliyaha Ciidamada Dam-damiska G.Togdheer Cabdicasiis Talaabo oo yidhi “ Madaxweyne halkan waxa deganaan jiray 18 qoys oo kamida ciidamada Mileteriga kuwaas oo mudo sadex sanadood aanu hawshooda ku jirnay sidii looga rari lahaa, waxaan aad iyoaad ugu mahadnaqayaa madaxwynaha jamhuuriyada Somaliland mud: muuse biix cabdi oo soo dhiibay qarashkii lagu rari lahaa, sidoo kale waxan aad ugu mahdcelinaynaa maayirka oo dhul uu isagu gaar uleeyahay uu siiyay reerihii laga raray xarunta dem-demiska ciidanka, waa wax ilaahay loogu mahad naqo in miisaaniyada 2020 ay noogu jirto qarashkii lanoogu dhisi lahaa xaruntani” taliye cabdicasiis Talaabo.

Waxa uu sidoo kale madaxweyne kuxigeenku dhagax dhigay wadooyin ay dhisi doonto Dawlada Hoose oo kaashanaysa Mashruuca JPLG-ga Sida uu sheegay xoghayaha Dawlada Hoose Cismaan Maxamed Sh. Cismaan Nuur.

Ugu danbayntiina madaxweyne kuxigeenku wuxuu xadhiga ka jaray xarunta cusub ee ay dhisatay Dawlada Hoose Ee Burco oo ay ku shaqayndoonto.

Dhismaha xaruntani oo ka kooban laba Dabaq ayaa waxa madaxweynaha ugu warbixiyay Maayirka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan Muraad “waxaanu nasiib uyeelanay in madaxweyne kuxigeenku xadhiga ka jaro xaruntii dawlada hoose laga maamulayay ee cusbayd, waa fooqaa quruxda badan leh lacag badan baa ku baxday, lacagtaasi sadex meeloodbay madaxweyne kuxigeen ka timi Dawlada hoose ee Degmada Burco, Dawlada Dhexe iyo hay,adaha JPLG-ga nagala shaqeeya iyo horumarinta, waa guri aad uquruxbadan oo aanu isleenahay ha idiinka hadheen maamulka idinka danbeeya hadii Alle Ka Dhigo” Maayir Muraad.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi oo siweyn ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Gobolka Togdheer “Gobolka Togdheer ahaan Sharaf weyn bay noo tahay in madaxweyne kuxigeenka Qaranka Jamhuriyada Somaliland uu noogu yimaado manta kormeer uu ku samaynayo mashaariicda JPLG eek a socota Gobolka Togdheer gaar ahaan Dawlada Hoose Ee Burc”

Ugu danbayntiina Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane: Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici oo xadhiga ka jaray Xarunta Cusub ee ay ku shaqayndoonaan maamulka dawlada Hoose ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan Mashaariicda JPLG-ga ee laga hirgelinayo Magaalada Burco, waxaana uu madaxweyne xusay muhiimada ay leedahay in xooga la saaro baahiyaha aasaasiga ah “aad iyo aadbaad umahadsan tihiin, waxaynu horumarinaynaa baahiyaha aasaasiga ah, dhaqaalaha ukordhay jaamacada inay u kordhay ahayd waxbarashada aasaasiga ah iyo caafimaadka aasaasiga ah oo ay macalinka liita ukorodho, hadaad 50macalin siinayseen aad 100 (boqol)macalin gaadhsiisaan, xaga wadooyinka runtii aad iyo aadbaad uwanaagsan tihiin, intii JPLG-gu qabanayeen idinkuna sadex laabkeed yaa ku daraysaan, wadooyinkuna waa waxyaabaha horumarka ka qaybqaatam aad iyo aadbaan taana idiinku (D.H,B) hambalyaynayaa.”

 

Leave a Reply