Madaxweynaha oo Ka Qayb-galay Aaska Loo Sameeyay Qoys Guri Ku Dumay

0
461

“Waa geeri culus qoys badan oo iyagoo hurda masiibo ku habsatay Waa ILLAAHAY qaddarkii waana waxyaabaha lagu cibro qaato”…Madaxweyne Biixi

 

 

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay ka qaybgalay aas qubuuraha Masallaha ee koonfurta Hargaysa loogu sameeyay qoys Afar qof ka koobnaa oo habeen hore uu ku dumay gurigii ay deganaayeen.

Qoyskaasi uu gurigu ku dumay ayaa kala ahaa Aabo, Hooyo xaamilo ahayd iyo laba caruur ah oo Wiilala ahaa oo ay dhaleen, kadib markii roob saacado badan da’ayay uu labadii maalmood ee la soo dhaafay ka da’ayay Hargaysa iyo nawaaxigeedda.

Ka qayb galka aaskaasi waxaa madaxweynaha ku wehelinayay xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, taliyaha ciidanka booliska Somaliland, badhasaabka gobolka Maroodijeex iyo ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex.

Maayarka caasimadda Hargaysa, xildhibaano iyo dadweyne kale ayaa ka qayb galay aaska iyo salaadii janaa’isadda ee loo sameeyay qoyska ka koobnaa Afarta qof ee habeen hore gurigu ku dumay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo hadal kooban ka jeediyay aaskii qoyskaasi ayaa muujiyay culayska masiibada qoyskaasi ku habsatay.

Waxaanu xusay in qaranku murugada iyo naxdinta la wadaagayo ehellada iyo qaraabada ay marxuumiintaasi isku qoyska ahi ka baxeen, isla markaana ay qaran ahaan eheladda iyo qaraabadda dadkii geeriyooday la wadaagayaan dhibka.

Waxaanu yidhi, “Waa geeri culus qoys badan, oo iyagoo hurda masiibo ku habsatay. Iyagoo aanay cidi-na ka bixin. Waase ILLAAHAY SWT qaddarkii, waana waxyaabaha lagu cibro qaato.

ILLAAHAY-na SWT dhammaantood ha u wada naxariisto, qoyskii iyo reerkii ay ka baxeenna ILLAAHAY waxaan uga rejaynayaa cawil khayr qaba.

Qaran ahaan aad baannu idiinka tacsiyadaynaynaa, naxdintaa-na waan la idin la qayb-sanaynaa, waana masiibo qaran”.

Madaxweynaha ayaa guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenka ah, si ay badqabkooda u sugaan. Isagoo-na wadayaasha gaadiidkana faray inay ka feejignaadaan dhibka roobabka.

Geesta kale qoyska shalay aaska qaran loo sameeyay ee afarta qof ka koobnaa, ayaa si wadar ah loo xabaalay.

Waxaanay qoyskaasi ifka kaga tegeen oo isagu masiibadaa ka bad-baaday Wiil yar oo ay marxuumiinta geeriyooday ay dhaleen, kaasoo ku maqnaa qoyska ehelladood.

Dhinaca kale waxaa halkaas laga jeediyay hadallo loogu baroor-diiqayay masiibada qoyskaas ku dhacday iyo dareenka heer qaran ee lagu sagootiyay.

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Diinta iyo Awqaafta Maxamed Kaahin Axmed iyo Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo halkaas hadallo ka jeediyay ayaa marxuumiinta geeriyooaday Eebbe uga baryay inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Leave a Reply