Wasiirka Warfaafinta oo Xilkii si Rasmi ah ula Wareegay

0
459

Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa (Dawan)- Wasiirrada wasaaraddaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta iyo Wasaaradda Horumarinta biyaha, ayaa xilalkii labada wasaaraddood kula kala wareegay, munaasibad maalintii shalay lagu qabtay tayaatarka munaasibadaha iyo shirarka ee Wasaaradda Warfaafinta, taasoo ay ka qaybgaleen madaxda laamaha labada wasaaraddood iyo shaqaale weynahooduba.

Xafladan oo madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda ka sekow ay ka qaybgaleen marti-sharaf isugu jira wakiillo ka socday Hay’addaha la shaqeeya labada wasaaraddood, laamaha dawladda iyo xubno kamida haldoorka Bulshadu, ayaa labada wasiir ku kala guddoomeen macluumaadkii iyo maamulkii labada Xafiis, isagoo mid waliba weedho niyad sami leh iyo dardaaran kaga tegay howl-wadeenadii la shaqaynayey.

Ugu horayn waxa munaasibadaasi hadallo ka jeediyey Agaasimeyaasha guud ee labada Wasaaraddood oo ka waramay waxyaabihii u qabsoomay labada Wasiir mid waliba mudadii uu joogay Wasaaradda laga soo bedelay.

Mukhtaar Maxamed Cali, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta ayaa sheegay “wasaaradda markaanu nimi aniga iyo Wasiirku TV-ga iyo Ideecada labadaba qaybta guduhu way bakhtiisnaayeen. Maxamed muddadaas telefishankii gudaha waa kiciyey oo alle waa nagu asturay, iyadoo aan waliba tacab iyo dhaqaale midna naga gelin ee Eng. Sidiiq oo kamida shaqaalaha Wasaaraddu uu ku guulaystay, waxa kale oo uu dayac-tiray Wakaalada Wararka ee SOLNA, waxa dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyey qaybta Kaydka Telefishanka Qaranka oo qol yar ku jiray, iminka waa la balaadhiyey oo waanu qalabaynay”ayuu yidhi Agaasime Mukhtar Maxamed Cali oo Wasiirka cusubna ku soo dhaweeyey gacmo furan iyo wada-shaqayn.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha, Maxamed Yuusuf Ismaciil oo isna haddalka qaatay, ayaa Wasiirkii hore ku amaanay shaqo wanaag iyo waxqabad, Wasiirka cusubna ugu bushaareeyey ahmiyada ay Wasaaraddaasi qaranka u leedahay, waxaanu tilmaamay “Wasiir Wasaaradda Biyuhu waa wasaarad afarta milyan ee Somaliland oo dhan in ay biyo nadiif ah gaadhsiiso laga sugayo oo masuuliyad weyn qaranka u haysa”ayuu ku sheegay hadal dheer oo uu xafladaasi ka jeediyey.

Labada Wasiir ee xilalka la kala wareegay oo iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday muhiimadaha ay wasaaraddaha loo kala bedelay leeyihiin iyo mid waliba kaalinta ay bulshada uga adeegto.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Maxamed Muuse Diiriye oo isagu la wareegay xilka Wasaaradda horumarinta Biyaha ayaa mahad-naq iyo dardaaran shaqaale ka sekow, sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha muhiimka ah ee uu xilka ku wareejinayo.

Waxaanu yidhi “Wasiir Wasaaraddu waxay ka kooban tahay lix Waaxood iyo Dadweynaha, waa wasaarad balaadhan oo runtii shaqaalaheedu tiradaa lagu sheegay dhan yihiin, waxa kale oo wasaaradda hoos yimaada SOLJA, WIJA iyo Telefishanada madaxbanaan, miisaanka intaasi leegi wuxuu ka turjumayaa shaqada ay qaranka u hayso.

Waxaan kugu wareejinayaa xerada intaasi leeg iyo qaybihii kala duwanaa ee Warbaahinta Qaranka. waxaan kugu wareejinayaa Ideecaddihii Qur’aanka oo lixda gobolba ka shaqaynaya, waxaan kugu wareejinayaa FM-yadii idaacada jamhuuriyada Somaliland oo Berbera, Burco iyo Laascaanood oo aynu geynayno mooyaane intii kale shaqaynayaan, waxaan kugu wareejinayaa Kulliyadii waxbarashada Saxaafadda ee Jaamacada oo sanadkana miisaaniyada lagu daray, taasoo aynu doonayno in aynu tababarno Saxaafaddeena mid madaxbanaan iyo tan qarankaba inagoo siman ula shaqaynayna, haddii waxbarasho dibadeed loo dirayo iyo haddii gudaha wax lagu barayaba.”

Wasiir Diiriye isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Waxaan kugu wareejinayaa xeerkii Saxaafadda oo qabyadiisii wax yari ka dhiman tahay, waxa kale oo aan kugu wareejinayaa isfahamkii wasaaradda iyo warbaahinta madaxbanaan oo aynu kula xisaabtamayno mulkileyaasha iyo Tafaftireyaasha”.

Geesta kale, waxa uu shaqo-wanaag iyo isfaham ka rajjeeyey “waxaan aqoonsanahay Wasiir in shaqaalaha Wasaaradda biyaha aanu si wanaagsan u wada shaqayn doono, shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta waxaan ku boorinayaa in aad sidii ay iila shaqeeyeen iyo si ka wanaagsanba ula shaqaysaan odaygaa la idiin soo bedelay oo ah nin oday-dhaqameeda, Askari ah oo siyaasi ah.”

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Saleeban Yusuf Cali Koore oo isna munaasibadan ka jeediyey khudbad socotay 2o daqiiqo, ayaa si qoto-dheer uga waramay waayo-aragnimada iyo xoggogaalnimada uu ka haysto Wasaaradda loo soo bedelay, isagoo dhanka kalena si guud u dulmaray waxqabadka Wasaaradda laga soo bedelay intii uu Wasiirka ahaa.

Waxaanu yidhi “Wasaaradda horumarinta Biyaha waxaan leeyahay wax badan baynu ka soo wada shaqaynay, wax badanbaynu soo wada qabanay, horumar fiican baynu soo wada qabanay. deegaamo badan ayeynu gaadhsiinay biyaha dad iyo duunyo u baahan gees ilaa gees umadda somaliland meel ay joogaan dalka. Waxqabadkaasoo dhami waxaan qirayaa in aan suurtogaleen la’aantood daacadnimadii, howlkarnimada iyo dedaalka Shaqaalaha Wasaaraddaasi jooggaa.

Waa wax iska caadiya maamulka in marka Wasaarad madax lagaago dhigo dad markii hore xiddigo ahaa ay hoos u yara dhacaan, kuwo kalena xiddigo noqdaan, haddana marka qof kale la keeno kuwo kale kor u soo kacaan, markaa intii aan wasaaradda joogay qoladii ii tirsanaysay in aan wax taray iyo kuwa ii tirsanaysa in aan yara garbiyey labadiinaba guul baan idiin rajjeynayaa.”

 

Wasiir koore isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey, isagoo ka waramaya khibraddiisa Wasaaradda Wafaafinta “Wasaaradda Warfaafinta waxaan soo joogay iyadoo gaadhi yar oo madbacada joogga ay wasaaraddu ku shaqayso, waxa kale oo aan soo joogay iyadoo stencel lagu wareejiyo, waxaan soo jooggay iyadoo rag badan oo iminka wariyeyaal caan ahi ay subaxii naga iibiyaan warqada yar ee 4-ka ah ee warka lagu soo saaro, aad iyo aadbaan xogoggaal ugu ahay xaalada hay’addaha kala duwan ee dawliga ah oo sanado badan ayaan soo dhex taagnaa qaabeynta hay’addaha maamulka, markaa aad iyo aad ayaan ugu kalsoonahay in ay Saxaafaddu horumar badan samaysay…Saxaafaddu saaxiibna waa leedahay, waayaheeda kalena waa leedahay”

Wasiirku waxa kale oo uu guud ahaan qalabka Warbaahinta ee dalka ku booriyey in aanay qallin meelaha lama taabtaanka ah ee Qaranku leeyahay, kana shaqeeyaan ilaalinta midnimada umadda iyo xasiloonida masaaliixda Dadka iyo dalka.

Waxaanu isagoo arrimahaasi ka hadlaya yidhi “waxaynu rabnaa in aynu noqono umad hore u marisa nidaamka dimuquraadiga oo aan si dhamaystiran wali loo ictiraafin, waxaynu nahay qabaa’il iyo gobollo, waxaynu nahay dad aynu rabno in aynu isu dunno, waxaynu nahay dad doorashooyinkoodu sidii la rabay aanay gaadhsiisanayn, waxaynu doonaynaa in Somaliland qofka ceelaayo joogga iyo ka lawyo-caddo joogaa si ugu soo wada hiloobaan. waxaynu Rabnaa in aan Somaliland la tusin Gol-jilicdeeda Cadaawga dibada ee u soo hamuumaya.”

Dhinaca kale, waxa xafladaasi hadallo ka jeediyey, Afhayeenka Madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Telefishanka Qaranka Maxamed Cali Waji iyo masuuliyiin kale oo kamida bahda Warbaahinta kala duwan ee dalka, kuwaasoo labada wasiir mid walba gaarkiisa dardaaran iyo duco u laabay.

 

Leave a Reply