“Hooganka Xisbiga Ayey Ka Timaadaa Cidda Gudomiyaha Noqoneysa”

0
425

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYE, mudane Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay in cidda noqonaysa guddoomiyaha xisbiga ay ka timaado hoggaanka xisbiga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciddii dooneysa in ay noqoto guddoomiyenimadda xisbiga in ay ka soo bixi doonto xisbiga dhexdiisa, waxaanu sidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYE, mudane Axmed Cabdi Dheere isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi “Xisbiga KULMIYE marxalad dheer ayuu soo maray waxaa uu leeyahay, hoggaan xisbi kuwaasi oo ka kooban todoba xubnood, gole fulineed ayuu leeyahay oo 46-xubnood ka kooban, musharaxnimadda xisbiga waxaa gooya oo ay ka soo baxdaa hoggaanka xisbiga iyo golaha fulinta, anaga ayaa soo bandhigna qofka aanu ka iibineyno shacabka ee aanu dooneyno in uu xisbiga hore u qaado, xisbiga ayaa keena ee kama yimaado bannaanka.

Qof gole deegaan isu sharaxayana maaha waa xisbi himilo leh, ninkii himiladiisaa hore u sii qaadaya, xisbiga ayuu ka dhex yimaada, arrinkaasina ama Maxamuud ha noqdo ama qof kale ha noqde qofku isagu xor ayuu u yahay waxaa uu odhanayo, laakiin gudoomiyenimadda xisbiga maanta waxaa ah oo haya madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isu soo sharixin oo warbaahinta iskamuu sharixin, ee xisbigiisa ayaa sharaxay, Siilaanyana xisbiga dhexdiisa ayaa laga sharaxay labada gudoomiye ee soo maray xisbiga, imika waxaa uu ka soo dhex baxayaa qofka musharaxa noqonaya gudoomiyaha xisbiga marka ay gaadho wakhtigeeda.”

 

Leave a Reply